Muxuu Tababare Maurizio Sarri Ka Yidhi In Jamaahiirta Kooxdiisa Chelsea Ay Kulankii Shalay Ee Cardiff Ku Heesayeen Hal Ku Dhiga Ah “F*ck Sarri-Ball”?
Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ka hadlay erayadii af-xumada ahaa ee ay jamaahiirta kooxdiisu isaga ugu heesayeen kulankii ay shalay guusha muhiimka ah ee shakiga badani hadheeyay kasoo gaadheen kooxda Cardiff City.
Cardiff ayaa kulanka ku bilaabatay iyada oo shan dhibcood u jirta kaalmaha looga badbaado heerka labaad guul ay gaadhaan ayaana wax weyn uga dhignaan lahayd kooxda tababare Neil Warnock.
Kooxdan lagu naanayso shimbiraha buluuga ah ayaa hoggaanka kulanka la wareegyaty daqiiqadii 46-aad kaddib gool cajiib ah oo ka yimid Victor Camarasa xilli daqiiqado kaddibna garsoorku u diiday rigoore ay xaq u yeesheen.
Intaa kaddib daafaca Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa ugu dambayn goolka bar-bardhaca ka dhaliyay Cardiff walow uu ahaa gool off-side cadaana ah xilli daqiiqadihii dheerigaha ahaa uu goolka guusha Blues dhibcaha ugu keenay Ruben Loftus-Cheek.
Haddaba, Sarri oo ka hadlaya halku dhigii heesta jamaahiirta kooxda ee ahaa “Fuck-Sarri Ball” ee markii kooxda 1-0 hoggaanka looga hayay ayaa sheegay inuu kaliya shaqayn doono si uu aragtida taageerayaasha u bedelo.
60 Jirkan ayaa yidhi “Ma doonayo inaan ka jawaabo sababtoo ah si wanaagan ayaan u fahmi karaa, Waxaan garoonka ku jiray 45-kii sano ee ugu dambeeyay”
“Dhab ahaantii waxaan u niiyad jabsanaa ciyaartoydayda sababtoo ah iyagu way dagaaalamayeen, Malaha waxa ka fiicnayd in la sugo ilaa dhammaadka kulanka”
“Nasiib darro, Anigu waan la qabsanayaa midan, Waxaan u baahanahay inaan shaqeeyo si aan u bedelo fikradooda”
