10-ka Xiddig Ee Fursadaha Ugu Badan Khasaariyay Champion League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray & Liverpool Oo 2 Xiddig Ku Leh
Kubada cagta ayaan kaliya la tirin ama aan la xisaabin goolasha ay xiddigaha kubada cagtu dhaliyaan laakiin waxa sidoo kale loo xisaabiyaa fursadaha goolka cad ah ee ay khasaariyeen.
Xiddiga Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa xalay kulankii Bayern Munich kooxdiisa ka khasaariyay fursado cajiib ah isaga oo noqday xiddiga ugu badan ee yurub fursadaha ka khasaariyay kooxdiisa.
Sadio Mane ayaa kaliya dhaliyay hal gool champions League inkasta oo uu 12 gool ka dhaliyay tartanka premier League xilli ciyaareedkan.
Mane ayaa khasaariyay fursadii ugu weynayd ee kooxdiisa xilli ay kooxda Jurgen Klopp bar-baro gool la,aan ah la gashay Bayern Munich.Sida ay wararku sheegayaan sadio Mane ayaa khasaariyay 8
fursadood oo gool loo arkay xilli ciyaareedkan champions League.
Xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa ku xiga Mane isaga oo tartanka kooxdiisa PSG ka khasaariyay 6 fursadoo oo waaweyn lagana dhalin karay gool.
Inkasta oo uu yahay xiddiga ugu goolasha badan champions League xilli ciyaareedkan hadana Robert Lewandowski ayaa ka mid ah xiddigaha fursadaha ugu badan khasaariyay.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha fursadaha ugu badan ka khasaariyay champions League:
- Gareth Bale: 3
- Harry Kane: 3
- Gabriel Jesus: 3
- Mohamed Salah: 3
- Breel Embolo: 4
- Dries Mertens: 4
- Mauro Icardi: 4
- Robert Lewandowski: 4
- Kylian Mbappe: 6
- Sadio Mane: 8
