Aniga Ayaa U Qalmay Ku Guulaysiga Abaalmarinta:- Franck Ribéry Oo Wali Ka Murugsan In Uuna Ku Guulaysan Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkii 2013


Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Franck Ribéry ayaa ku adkaysanaya in uu u xaq lahaa ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka sanadkii 2013 laakiin uuna Cristiano Ronaldo u qalmin.
Franck Ribéry ayaa xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kula tartamay abaalmarinta sanadkii 2013 markaas oo uu ku guulaystay Cristaino Ronaldo.
Ribery oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan sawirtay aniga oo ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka xaqiiqada ayaana ahayd in ay sidaas u dhacdo”.
“Ilaa maanta waxa aan aaminsnahay in aan anigu u qlmay ku guulaysta abaalmarinta Ballon d’Or-ka, mana aqbalin in aanan ku guulaysan ilaa maanta sababta oo ah waxa aan sameeyay wax walba oo loogu guulaysto abaalmarinta.
Waxa aan sameeyay wax walba sanadkaas waxa aan ku guulaystay wax walba oo lagu qiimeeyo abaalmarinta laakiin kumaan guulaysan waxa aan soo qaatay sanad weyn”.
“Maan dareemin in aan ka hooseeyay Ronaldo iyo Messi waxana aaan sanadkaas la kulmay dhirbaaxo weyn in aan galo kaalinta 3-aadna waxa ay ahady dulmi weyn”.