Arsenal Oo Badalka Ramsey Ka Baadi Goobtay Horyaalka Spain , Xiddig Waayeel Ah Ayay Wadahadallo La Fureen
Ilo wareedyo saxaafadda Ingiriiska qorayaan ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ay wadahadallo la furtay kooxda Sevilla oo ay ka doonayaan qadka dhexe ee Éver Banega .
Wargeyska Mirror ayaa sheegaya in wadahadallada ay marayaan meel wacan ayna Arsenal haminayaan in 30 sano jirkaas ay helaan xagaaga dambe .
Macalinka Arsenal ayaa si weyn ula dhacsan laacibkaas waxa uuna horay ugu soo layliyay kooxda Sevilla isaga oo u arka badalka ugu wanaagsan Ramsey kaasi Juventus u huleelaya marka xilli ciyaareedka uu dhamaado.
Wargeyskaas ayaa intaas ku daraya in Arsenal uu uga baxayo soo xero gilinta wiilkaas reer Argentina aduun gaaraya 47 milyan oo gin balse taageerayaasha ayaa ka wel welsan laaicbkaas oo bisha June galaya da`da 31-ka sano.
Juve ayaa saxiixa laacibkaas ku guuleysatay bishii hore iyadoo uu qaab xor ah ugu tagayo kooxdaas maadaama hishiiskiisa Arsenal uu ku siman yahay xagaaga dambe
