Arsenal Oo Emirates Stadium Ku Burburisay Bournemouth, Chelea Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Tottenham Iyo Man United Oo Crystal Palace Saddexda Dhibcood Ka Soo Heshay.

Kooxaha kaalinta afraad ku dagaalamaya ee Arsenal, Manchester United iyo Chelsea ayaa dhaamantood guulo muhiim ah gaadhay iyada oo waliba Chelsea awooday in ay saddexda dhibcood Stamford Bridge kaga qaadatay kooxda Tottenham oo guuldaradii labaad oo xidhiidh ahi ay soo gaadhay.
Manchester United ayaa tubta guusha ku soo laabtay waxayna 3-1 ku soo garaacday kooxda Crystal Palace laakiin Arsenal ayaa fariin cusub dirtay kadib markii ay 5-1 ku xaaqday kooxda Bournemouth waxayna Gunners awooday in ay sii adkaysatay kaalinta afraad ee ay soo qabtay kulamadii hore.
Kulanka Arsenal 5-1 Bournemouth
Daqiiqadii 4 aad ee bilawgii ciyaarta Arsenal ayaa markiiba keensatay goolka furitaanka kadib markii uu Mesut Ozil muujiyay sida uu Unai Emery ugu qaldanaa in xidiga ugu tayada fiican kooxdiisa uu kaydka waqti dheer ku soo hayay xili ciyaareedkan wuxuuna Ozil goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu sameeyay Kolašinac.
Daqiiqadii 27 aad Mesut Ozil ayaa markale isku muujiyay Unai Emery kadib markii uu Mkhitaryan ka caawiyay goolka labaad ee kooxdiisa Gunners wuxuuna goolkani ahaa mid farxad iyo damaashaad siiyay jamaahiirta Emirates Stadium waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Gunners hogaanka ku dheeraysatay.
Daqiiqadii 30 aad Bournemouth ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay isla markaana waxya iska kala yareeyeen labada gool ee ay Arsenal dhalisay iyada oo Mousset uu dhaliyay goolka rajadii Bournemouth soo nooleeyay wuxuuna markiisa caawin ka helay Gosling.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku haysay balse ayna Bournemouth quusan maadaama oo ay hal gool heleen.
Qaybtii labaad ee ciyaarta markii layskugu soo laabtay ayay Arsenal bilawday in ay raadiso farqigii labada gool ee ay hogaanka ku hayeen si ay kalsoonida guusha u helaan.

Daqiiqadii 47 aad ee bilawgii qaybtii labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa markale si deg deg ah u keensatay goolkeeda saddexaad waxaana markan saamayntiisa gool dhalineed sii watay L. Koscielny kaas oo caawin fiican ka helay Mkhitaryan waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Gunners hogaankii labada gool ahaa ku soo ceshatay.
Daqiiqadii 59 aad Aubameyang ayaa Arsenal u dhaliyay goolka afraad ee sii niyadjabiyay Bournemouth wuxuuna caawin ka helay Mkhitaryan oo markii labaad sameeyay caawinta goolasha kooxdiisa Gunners waxayna ciyaartu noqotay 4-1 ay Gunners ku xaaqayso Bournemouth.
Daqiiqadii 78 aad Lacazette ayaa goolka shanaad ee kooxdiisa ciyaarta ku soo gaba gaba gabeeyay kadib markii uu awooday in uu Bournemouth ceeb kale madaxa u sii saraay waxayna ciyaartu noqotay 5-1 ay Gunners ku gumaadayso Bournemouth.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-1 ay Arsenal fariin wayn ugu dirtay kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo ay kaalinta afraad ka difaacanayso waxayna kooxda Unai Emery awooday in ay talaabo kale sare ugu sii qaaday kaalinta afraad ee ay ku soo fadhiday.
Kulanka Chelsea 2-0 Tottenham
Chelsea ayaa guul xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimada wayn u leh waxay Stamford Bridge kaga gaadhay kooxda ay London ku xifilamaan ee Tottenham oo guuldaradii labaad oo xidhiidh ahi ay soo gaadhay, waxayna Blues heshay guul ay kalsooni wayn ka heli karto kadib xalaadii adkayd ee ay soo mareen.

Qaybtii hore ee kulankii Stamford Bridge ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa barbaro gool la’aan ah ku dhamaaday laakiin waxay labada kooxoodba heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen iyada oo Blues qaybtii hore ahayd kooxda fursadaha ugu badan heshay.
Gonzalo Higuain ayaa helay fursadaha ugu badnaa uguna halista badnaa isaga oo bilawgii ciyaarta birta u garaacay Tottenham wuxuuna sidoo kale lumiyay fursado uu si ka fiican u qaban kari lahaa laakiin Higuain ayaa mar labaad birta u garaacay Tottenham nasiib ku lahayd in xidiga reer Argentina aanu dadaalkiisa waxba ku helin.
Tottenham ayaa waqti dheer ku qaadatay in ay hesho fursad gool dhalineed waxaana markiisa birta garaacay Harry Winks waxayna qaybtii hore ahayd mid aan wax goolal ah la kala dhalin.
Daqiiqadii 57 aad Chelsea ayaa heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu Pedro si fiican uga faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay Azpilicueta wuxuuna goolkani noqday mid Chelsea kalsooni wayn siiyay isla markaana Tottenham xaalad adag ku abuuray.
Laakiin Chelsea ayaa guushan si rasmi ah u xaqiijisatay daqiiqadii 84 aad ee dhamaadkii ciyaarta kadib markii uu xidiga Tottenham ee Trippier uu iska dhaliyay goolka natiijada ciyaarta u xaqiijiyay Blues isla markaana soo gaba gabeeyay rajadii ay Spurs barbaro ka qabeen.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Chelsea saddexda dhibcood kaga qaadatay Tottenham waxayna Blues sare u sii qaaday hamiga kooxdeeda ee kaalinta afraad maadaama oo uu waliba kulan baaqi u yahay.
Kulanka Crystal Palace 1-3 Man United
Daqiiqadii 33 aad Manchester United ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta waxaana goolka muhiimada wayn u lahaa Red Devils dhaliyay Romelu Lukaku kaas oo caawin ka helay xidiga uu ku tilmaamay inuu xili ciyaareedkan kooxdiisa ugu fiican yahay ee Luka Shaw, wuxuuna Lukaku ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Red Devils hoganaka ku qabtay.

Daqiiqadii 34 aad Crystal Palace ayaa u muuqatay in ay isla markiiba jawaab bixisay kadib markii uu Schlupp uu darbo magax ah ku tuuray goolka Man United laakiin kubbada ayaa wax yar sare ka martay.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaan noqon mid goolal kale layska dhaliyay waxayna ciyaarta qaybteedii hore ku dhamaatay 1-0 ay Man United hogaanka ku haysay isla markaana uu Crystal Palace culaysku ku saarnaa.
Daqiiqadii 52 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Romelu Lukaku ayaa muujiyay in Solskjaer iyo kooxdiisa Red Devils uu ka caawin karo waqti kasta oo adag oo ay dhaawacyada u galeen wuxuuna Lukaku dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa kadib markii uu caawin ka helay Victor Lindelöf waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay United goola labaad ee kalsoonida ku heshay.
Daqiiqadii 66 aad Crystal Palace ayaa la timid goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay balse markaas u muuqday in ay ciyaarta ugu soo laabanayso kaas oo uu saxiixay Ward oo caawin ka helay Schlupp wuxuuna goolkani keenay in Eagles ay soo laabasho buuxda ku fikiraan.
Daqiiqadii 83 aad Ashley Young ayaa Man United ka dul qaaday walwalkii ka haystay in Crystal Palace ay goolka labaad keenato wuxuuna Young goolkan ku dhaliyay caawin uu ka helay Pual Pogba iyada oo goolkani uu noqday mid ciyaarta si rasmi ah u go’aamiyay.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Man United tubta guusha ugu soo laabtay balse waxay wali United ku jirtaa kaalinta shanaad maadama oo ay Arsenal guul ka gaadhay Bournemouth.