Arsenal Oo Guuldaro Xanuun Badan Kala Kulantay BATE Borisov, Inter Milan Oo Garaacday Rapid Wie & Natiijooyinkii Kale Kulamadii La Ciyaaray Europa League

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda BATE Borisov kulan ka tirsan lugtii 1-aad ee wareega 32-ka tartanka Europa League.
Tababare Unai Emery ayaa is badal ku sameeyay shaxdiisa laakiin ku soo galay shax adag isaga oo doonayay in ay haatanba hal lug lasii galaan wareega 16-ka tartanka.
Inkasta oo Arsenal loo saadaalinayay in ay si fudud guul ku gaadho waliba maamusho kulanka marka loo eego awooda kooxda ay la ciyaaraysay.
Hadana Gunners ayaa dhibaato weyn kala kulantay kooxa BATE Borisov kuwaas oo ahaa qaar ka fiican kooxda Arsenal dhanka qaab ciyaareedka.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Arsenal wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha iyaga oo weeraro waali ah ku qaaday kooxda BATE Borisov.
Laakiin BATE Borisov ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo Arsenal goolal kale kaga dhalin gaadhay weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 85-aad ayay Arsenal xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay weeraryahanka Alexandre Lacazette.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo kooxda BATE Borisov ka yaabsatay Arsenal sidaasna kaga gaadhay guul 1/0 ah
Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Rapid Wien iyaga oo laftoodu ku dhibtooday guushaas ay gaadheen.