barcelona ayaa Dooneyso In Ay Kooxdoodu U Dhaqaaqdo afartaan ciyaaryahaan Si Ay Ula Tartansiiso Jordi Alba



Wargayska Mundo Depotivo ayaa sameeyay codayn ay Taageerayaasha Barcelona ku waydiinayaan daafaca Bidix ee ay tahay in ay Barcelona u dhaqaaqdo suuqa xagaaga si ay ugu nasiso daafaca Jordi Alba kaas oo ah xiddiga kaliya ee aan badalka lahayn kooxda.
Sida laga soo xigtay wargayska Kooxda Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay suuqa xagaaga u dhaqaaqdo daafac ay ku nasiso Jordi Alba.
Wargayska ayaa shaaciyay magacyo kala ah David Alaba, Marc Cucurella, Ferland Mendy, Marcos Alonso, Filipe Luís Iyo waliba xiddigo kale oo badan.
Codaynta ayay ka qayb qaateen in ka badan 11703 kuwaas oo doortay xiddiga ay doonayaan in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo si uu booska ugula tartamo Jorid Alba.
Xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa helay codka ugu badan kaas oo helay 32% Xiddiga kooxda Lyon ee Ferland Mendy ayaa helay cod dhan 20%
halka xiddiga Marc Cucurella oo Barcelona amaah uga maqan una ciyaara kooxda Eibar uu helay cod dhan 16% halka xiddiga kooxda chelsea ee Marcos Alonso helay cod dhan 13%.
David Alaba: 32%
Ferland Mendy: 20%
Marc Cucurella: 16%
Marcos Alonso: 13%
Filipe Luís: 10%