Kooxda Bayern Munich ayaa muujisay xiisaha ay u qabaan saxiixa qadka dhexe kooxda Barcelona ee Ivan Rakitić , waxa ayna haminayaan in ay helaan saxiixiisa xagaaga dambe
Shaki badan ayaa ku hareereysan mustaqbalka Ivan Rakitić ee qalcadda Camp Nou waxa ayna warar badan sheegayaan in ay u badan tahay in laacibkaas uu baxayo dhawaan .
Wargeyska Sport ee Spain ka soo baxa ayaa sheegaya in Barcelona dooneyn in ay go`aan ka gaaraan mustaqbalka laacibkaas illaa laga gaarayo dhamaadka xilli ciyaareedka .
Laacibkaas ayaa xagaagii hore dalab weyn ka helay kooxda PSG waliba Barca waa ay ka fikireen iibintiisa balse ugu dambeyn tababaraha Barca ayaa ku dhagay laacibka .
