Bayern Munich Oo Dhaawac Weyn La Kulantay Maalmo Yar Ka Hor Kulanka Liverpool.

Kooxda Bayern Munich ayay dhirbaaxo dhaawac la kulantay maalmo ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool kana tirsan champions Leageu.
Bayern Munich ayaa ka wal-walsan taam ahaanshaha xiddiga Kingsley Coman ka dib markii uu xiddigu dhaawac ka soo gaadhay kulanka Augsburg ee xalay.
Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 2 gool kulan ka tirsanaa Bundesliga kulan ay guul soo laabasho leh ka gaadheen kooxda Augsburg.
Bayern Munich ayaa soo booqan doonta Anfield Salaasada kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League waxana haatanba ka maqan xiddigaha Aarjen Robben iyo Thomas Mullers.
Si kasta ha ahatee waxa ay haatan waayi karaan Coman kadib markii uu xiddiga dhaawac soo gaadhay daqiiqadihii ugu dambeeyay isaga oo ciyaarta dhamaysan kari waayay kana baxay kulanka.