Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed lama filaan ah u noqday kooxda Bayern Munich kuwaas oo diyaar u ah in ay ka gudbiyaan dalab dhan 65 milyan oo euro.
Kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga ayaa tartan kala kulmaysa kooxda Man United xilli Red Devilsa xiddiga reer Argentine u calaamadsatay badalka Romelu Lukaku.
Dybala ayaa kooxda Juventus kula jira heshiis ilaa 2022 ah waxana uu xiriir cajiib ah la samayeeyay xiddiga weerarka uga ciyaara Juventus ee Cristiano Ronaldo.
25 jirka ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kulankii ay Juventus 3/0 uga badisay kooxda Frosinone halka uu sidoo kale dhaliyay 8 gool oo tartamada oo dhan ah iyo 6 uu caawiye ka noqday.
Laakiin xiddiga ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Juventus waxana ay Bayern Munich u aragtaa xiddiga badalka Arjen Robben iyo Franck Ribery kuwaas oo kooxda ka tagaya xagaaga.
Sida laga soo xigtay Tuttomercatweb kooxda Bayern Munich ayaa diyaar u ah in ay rikoodhkeeda suuqa u jabiso sidii ay Dybala ku heli lahayd.
