Caawiyaha Tababaraha Liverpool Oo Kashifay Sababta Ka Dambaysa In Mohamed Salah Laga Badalo Booska Garabka Weerarka.
Caawiyahan tababaraha Kooxda Liverpool ee Pepijn Lijnders ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambaysa in la badalo booska Mohamed Salah.
Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkan ka ciyaara weerarka tooska ah isaga oo ka tagay garabka weerarka oo uu ka ciyaarayay xilli ciyaareedkii hore.
Salah ayaa hogaaminaya gool dhalinta premier League isaga oo dhaliyay 17 gool lana goolal ah xiddiga Man City ee Sergio Aguero.
Pepijn Lijnders oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” ugu horayn Mohamed salah waxa uu awood u leeyahay in uu sameeyo wax walba marka uu weerarka ka ciyaarayo waana waxa uu kaga fiican xiddigaha kale waana gool dhaliye dhab ah waana in aan ka faa,iidaysano awoodiisa”.
Sdiaas darteed Tababaraha ayaa dhigay weerarka toos ah, mar la eego orodka badan ee uu leeyahay waxa uu khatar galinayaa daafacyada ka soo hor jeeda waana arinta Liverpool ka caawisay in ay Roberto Firmino xoriyad u siisay in uu garoonka booska uu doonayo ka ciyaaro”.
Marka uu Salah ka ciyaarayo weerarka tooska ah Firmino ayaa xoriyad u helaya in uu tago garabka, khadka dhexe, daafaca iyo weerarka laftiisa.
