CAJIIB: Antoine Greizmann Oo Diiday In Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Ay Yihiin Kuwa Ugu Fiican Ee Uu Kahor Tagay & Xiddiga Uu Doortay Oo Ah Da’yar 21 Sano Jir Ah!!

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Greizmann ayaa soo xushay xiddiga ugu fiican ee uu kahor tagay mudada uu ku gudo jiro xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta isaga oo iska diiday xiddigo waaweyn.
Marka laga yimaado inuu si fool ka fool ah uga hortagay caqlaaniyada cajiibka ah ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi haddana Greizmann ayaa wali sheegay inuu jiro mid labadaba kala fiicnaa.
Aragtida Greizmann oo ah mid yaab leh ayuu ku doortay da’yarka mulkiyad ahaan ay leedahay Barcelona balse haatan Ajax ku sugan ee Frankie De Jong kaas oo uu shaqsiyad cajiib ah ku sifeeyay.
Antoine oo Frankie kaga hortaay kulan dhex maray xulalka France iyo Holland ayaa sheegay inuu isku dayay inuu culays iyo cadaadis saaro marka ay kubadda isku qabtaan balse uusan marnaba ka guuleysan.
Greizmann oo la hadlaya Oh My Goal ayaa yidhi “Waxaan odhan lahaa De Jong oo ka tirsan Ajax Amesterdam sababtoo ah waxaan isku dayay inaan culays isaga saaro kumana guuleysan marnaba”
Kulamada ay labadan xiddig isku wajaheen oo ahaa tartanka Nations League ayay lugta hore kusoo dhammaatay guul 2-1 ah oo uu gaadhay xulka Les Bleus balse Netherlands ayaa kulankii dambe 2-0 ku adkaatay markaas oo uu De Jong muujiyay waxa uu yahay.
Greizmann iyo De Jong ayaa rajayn kara kulamo intaa ka badan oo ay wada ciyaaraan maadaama oo uu De Jong aduun dhan 75 Milyan xilli suuqa xagaaga ugu soo wareegayo dhinaca Barcelona.
Dhinaca kale marka laga yimaado amaanta uu xiddiga ree France ugu qubeeyay da’yarkan ayuu amaanay Ronaldo iyo Messi walow uusan kala dooran isaga oo ku sheegay inuu midkood yahay midka ugu fiican abid maadaama oo uusan daawan Pele iyo Maradona.