CAJIIB: Qarnigan 21-Aad Ma Jirto Koox Premier league Ah Oo Koobka Ku Soo Guulaysatay Oo Aanu Ciyaartoy Faransiis Ahi Ku Jirin-Miyay Liverpool Taariikhdan Burburin Kartaa?


Taariikhda horyaalka heerka kowaad ee dalka dalka Ingiriiska ayayna kooxi ku soo guulaysan iyada oo uu safkeeda ka maqan yahay ciyaartoyda ka soo jeeda dalka France laakiin kooxda hadda hogaaminta Premier League haysa ee Liverpool waxaa gabi ahaanba ka maqan magacyada ciyaartoyda dalka France.
Jurgen Klopp ma aha tababare neceb ciyaartoyda dalka France wuxuuna horaantii xili ciyaareedkan isku dayay in uu Nabil Fekir kala soo wareego kooxda Lyon wuxuuna sidoo jeclaan lahaa in uu ciyaartoy badan oo France u dhashay uu kooxdiisa ku haysan lahaa balse waqti xaadirkan ma jiro xidig reer France ah oo uu Liverpool ku haystaa.
Ciyaartoyda uu Jurgen Klopp ku soo shaqaynayay Xili Ciyaareedkani Wadamee Ayay U Dhasheen?
22 kii ciyaartoy ee uu Jurgen Klopp xili ciyaareedkan ku soo shaqaynayay waxay 7 ka mid ahi ka soo jeedaan dalka England, halka 3 ciyaartoy ay yihiin reer Brazil waxanayna 2 ka mid ahi u dhasheen dalka Holland. Sidoo kale Jurgen Klopp ayaa min hal ciyaartoy ka haysta wadamada Belgium, Cameroon, Croatia, Egypt, Guinea, Portugal, Senegal, Spain, Switzerland iyo Scotland.
Haddaba waxaa xaqii noqotay in muddadii lagu jiray qarnigan 21 aad in ayna jirin hal koox oo Premeir league ah oo koobkan ku soo guulaysatay oo aanu safka kooxdeeda uu ka maqnaa ciyaartoy reer France ahi.
Xili ciyaareedkii 1999/2000 oo ah xili ciyaareedkii ugu horeeyay ee qarniga 21 aad, waxaa koobka Premier league ku soo guulaysatay Manchester United waxaana safka kooxdeeda ka mid ahaa Mikael Silvestre oo ahaa ciyaartoy reer France ah.
Xili ciyaareedkii ugu danbeeyay ee 2017/18 ee ay Manchester CIty koobkan ku soo guulaysatay waxaa kooxdeeda ka mid ahaa ilaa haddana ka tirsan Aymeric Laporte, Benjamin Mendy iyo Eliaquim Mangala.
Haddaba halkan ka akhriso sheekada layaabka leh ee ka dhexaysa ciyaartoyda reer France iyo kooxihii horyaalka Ingiriiska ku soo guulaystay iyada oo waliba ayna kooxi koobkan soo qaadin qarnigan 21 aad iyada oo ciyaartoy reer France ahi ka maqan yahay.
Eric Cantona (Manchester United) – 1992-93, 1993-94, 1995-96, 1996-97
Nicolas Anelka (Arsenal) – 1997-98, 2009-10
Remi Garde (Arsenal) – 1997-98
Gilles Grimandi (Arsenal) – 1997-98, 2001-02
Emmanuel Petit (Arsenal) – 1997-98
Patrick Vieira (Arsenal) – 1997-98, 2001-02, 2003-04
Mikael Silvestre (Manchester United) – 1999-2000, 2000-01, 2002-03, 2006-07
Fabien Barthez (Manchester United) – 2000-01, 2002-03
Thierry Henry (Arsenal) – 2001-02, 2003-04
Robert Pires (Arsenal) – 2001-02, 2003-04
Sylvain Wiltord (Arsenal) – 2001-02, 2003-04
Laurent Blanc (Manchester United) – 2002-03
Jeremie Aliadiere (Arsenal) – 2003-04
Pascal Cygan (Arsenal) – 2003-04
Gael Clichy (Arsenal, Manchester City) – 2003-04, 2011-12, 2013-14
William Gallas (Chelsea) – 2004-05, 2005-06
Claude Makelele (Chelsea) – 2004-05, 2005-06
Patrice Evra (Manchester United) – 2006-07, 2007-08, 2008-09, 2010-11, 2012-13
Louis Saha (Manchester United) – 2006-07, 2007-08
Florent Malouda (Chelsea) – 2009-10
Samir Nasri (Manchester City) – 2011-12, 2013-14
Loic Remy (Chelsea) – 2014-15
Kurt Zouma (Chelsea) – 2014-15, 2016-17
N’Golo Kante (Leicester, Chelsea) – 2015-16, 2016-17
Aymeric Laporte (Manchester City) – 2017-18
Eliaquim Mangala (Manchester City) – 2017-18
Benjamin Mendy (Manchester City) – 2017-18
Qaarka mid ah sawirada ciyaartoydii Reer France Ee Koobka Premier League Ku Soo Guulaystay:






Haddaba miyay Liverpool noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee koobka Premier league ku guulaysata qarnigan 21 aad iyada oo aanu ciyaartoy reer France ahi safka kooxdeeda ku jirin?