CAJIIB!! Vincent Kompany Oo Aan Wax Naxariis Ah U Samayn Kepa & Chelsea Iyo Qaabkii Qosolka Ahayd Ee Ugu Ugu Maadsaday.
Kabtanka kooxda Manchester City ee Vincent Kompany ayaan wax naxariis ah u samayn goolhayaha ceeboobay ee Kepa kaas oo iska diiday in uu qaato amarkii macalinkii Maurzio Sarri ee doonayay in uu badalka ku soo galiyo dhamaadkii waqtigii dheeriga ahaa ee finalkii EF Cupka.
Vincent Kompany ayaa soo bandhigay sida ay ciyaartoyda kooxdiisa Man City ay kalsooni uga heleen go’aankii uu Kepa ku diiday in uu baxo maadaama oo ay ka walwalsanaayeen in goolhaye Willy Caballero uu ciyaarto soo galo maadama oo uu iyaga hore uga soo caawiyay finalkii EFL Cupka ee uu
Liverpool rekoodhayaasha ka badbaadiyay.
Kompany ayaa sidoo kale waxa uu ku maadsaday hab dhaqankii Kepa wuxuuna ku kaftamay in laga bilaabo hadda uu kulan kasta oo la badalo uu sida Kepa u diidi doono in la saaro laakiin waxa uu qiray in aanu waligii kubbada cagta ku arag dhaqankan oo kale.Kabtanka Man City ee Vincent Kompany ayaa ugu horayn ka hadlaya sida uu uga walwalsnaa in goolhaye Willy Caballero uu ciyaarta soo galo wuxuuna yidhi: “Waa hagaag, anigu waxaan ogahay sida uu Will(Caballero) ugu fiican yahay rekoodhayaasha. Markii ugu danbaysay ee aanu tartankan ku soo guulaysanay kulankii Liverpooo, isagu mid cajiib ah ayuu ahaa, wwaxa uu noogu guulaystay rekoodhayaashii”.
Vincent Kompany ayaa soo bandhigay wixii isaga iyo ciyaartoyda kooxdiisa Man City ay dareemeen markii uu Kepa diiday in uu baxo wuxuuna yidhi: “Waxaan ka fikirayay haddii uu soo galo isagu (Caballero) in ay noqonayso in ciyaar maskaxeed kale la ciyaaro, dhamaadkii kalsoonida ayaa halkaas ka jirtay si rekoodhayaasha loo dhaliyo”.
Waxa kale oo Vincent Kompany la waydiiyay haddii uu waligii soo arkay xaalada la mid ah arintii uu Kepa sameeyay wuxuuna isaga oo hadalkiisa kaftan ku daraya uu yidhi: “Dabcan anigu waligay maan arag,, waxaan rajaynayaa in hadda laga bilaabo aan samayn doono maadaama oo aanan doonayn in la badalo!!”.
Ilaa hadda kubbada cagta aduunka ayaa ka falcelinaysa wixii uu Kepa sameeyay iyo waliba qaabkii uu ugu fashilmay in uu kooxdiisa Chelsea guul ku hogaamiyo halka Willy Caballero iyo Maurzio Sarri ay ixtiraam la’aan xun kala kulmeen Kepa.