Cesar Azpilicueta Oo Balan Qaad U Sameeyay Taageerayaasha Blues Kadib Todobaad Masiibo Ah


 

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa balan qaad u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa kadib qaab ciyaareed xun oo ay soo bandhigtay kooxdu kulamadii ugu dambeeyay.
Cesar Azpilicueta ayaa balan qaaday in ay xiddigaha kooxda chelsea wax walba u samayn doonaan sidii ay dhanka kale ugu rogi lahaayeen qaab ciyaareedkooda xun.
Blues ayaa laga reebay Tartanka FA Cup-ka kadib guuldaro ay kala kulmeen kooxda Man United kulan ka dhacay Stamford Bridge.
Chelsea ayaa Khamiista la ciyaari doonta kooxda Malmo lugta 2-aad ee Europa League ka hor inta ayna Axada dambe la ciyaarin kooxda Man City Finalka Crabao cup-ka waxana uu Cesar Azpilicueta rajaynayaa in ay Blues kulamadaas saxdo wixii khaldamay“Sida iska cad waxa aan soo qaadanay todobaad adag oo cid walba ah”ayuu Azpilicueta u sheegay Website-ka kooxda chelsea.
“Waxa aan ognahay in ay taageerayaashu na taageeri doonaan mar walba, chelsea waxa nalooga bartay in aan ku guulaysano koobab, waxa aan nahay kooxda ugu guulaha badan England sanadihii ugu dambeeyay sidaas darteed waxa kaliya ee aan haatan odhan karo ayaa ah in aan wax walba u samayn doono sidii aan ugu soo laaban lahady wadada saxda ah”