Chelsea Oo Ceebtii Man City Isaga Maydhay Malmo

Kooxda Chelsea ayaa guul kala soo laabatay Sweden Kadib markii ay soo garaacday kooxda Malmo kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxoo si fiican u ciyaareen.
Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Malmo ayaa ciyaarta si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo chelsea ku qaadayay weeraro rogaal celis ah.
Laakiin chelsea ayaa ah kooxdii ku hor martay natiijada ciyaartana wax ka badashay iyaga oo Malmo ka dhaliyay goolka Furitaanka.
Daqiiqadii 30-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pedro kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Malmo ayaa samaysay fursado halis galiyay kooxda chelsea laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ka faa,iidaystaan goolna u badalaan.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea kulanka ku hogaaminayso 1/0 xilli labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.
Qaybtii dambe ayay chelsea si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dilaan Malmo-na ka dhaliyaan gool kale.
Midaas ayay Chelsea u suurtagashay iyaga oo daqiiqadii 58-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu dhaliyay xiddiga Olivier Giroud.
Malmo ayaa qaaday weeraro ay ku doonaysay in ay ciyaarta wax kaga badasho waxana ay daqiiqadii 80-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anders Christiansen kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda chelsea sidaas ugu badisay 2/1 sidaasna hal lug ula sii gashay wareega xiga ee tartanka.