Cristaino Ronaldo Oo Baadhitaan Caafimaad Lagu Samaynayo, Juventus Oo War Soo Saartay-Miyuu Dhaawac Wayni Soo Gaadhay?

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in baadhitaan caafimaad lagu samayn doono xidiga kooxdeeda Cristaino Ronaldo waxaana la shaaciyay waqtiga uu xidiga reer Portugal baadhitaankan mari doono. Jamaahiirta Juventus ayaa walwal la kulmay markii ay kooxdoodu cadaysay in Ronaldo uu dhaawac soo gaadhay.
Cristaino Ronaldo ayay jugi ku soo gaadhay kulankii axadii ee ay Juventus la ciyaartay kooxda Bologna isaga oo waliba dhamaystay 90 kii daqiiqo ee kulankaas laakiin Ronaldo ayaa awoodi waayay in ciyaartoyda kooxdiisa uu tababar la qaato.
Juventus ayay sugayaan kulamo muhiim ahi iyaga oo la ciyaari doona kooxaha Napoli iyo Atletico Madrid waxayna u baahan yihiin in Cristaino Ronaldo uu ku jiro xaaladiisa ugu fiican si uu kulamadan saamayn ugu yeelan karo.
Juventus ayaa shabakada rasmiga ah ee kooxdeeda ku daabacday warka in Cristiano Ronaldo uu baadhitaan caafimaad mari doono.
Qoraalka Juventus ayaa lagu sheegay in barri oo khamiis uu Cristiano Ronaldo mari doono baadhitaan caafimaad kadib markii ay jugi ka soo gaadhay canqawgiisa lugta bidix intii lagu jiray kulankii Bologna ee axadii ay Juventus guusha gaadhay.
Waxaana qoraalka Juventus lagu yidhi: “Waxaa maanta la qorsheeyay in barri (Khamiista) baadhitaan caafimaad lagu samayn doono (Ronaldo) kadib jugtii canqawga lugtiisa bidix kaga soo gaadhay intii lagu guda jiray kulankii Bologna”.
Cristaino Ronaldo ayaa xili ciyaareedkan Juventus u soo dhaliyay 19 gool oo Serie A ah kadib markii uu 24 kulan saftay laakiin waxa uu hadda dagaal uga gali doonaa in uu taam u noqon karo kulanka Napoli ee axada ka dhici doona San Paolo.