Cristiano Ronaldo vs Lionel Messi: Paulo Dybala Oo Ka Jawaabay 3 Su,aalood Oo Laga Waydiiyay Xiddigaha Ronaldo & Messi
Xafiiltanka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ee xoogan ayaa wali sii socota Xilli Paulo Dybala yahay xiddig dhexda uga jira labada xiddig.
Xiddiga Lionel Messi ayaa Dybala kala ciyaara xulka qaranka Argentine halka uu Cristiano Ronaldo kala ciyaaro kooxda Juevntus.
Xiddiga reer Argentine ayaa la waydiiyay 3 su,aalood oo ku saabsan xiddigaha ay iska garab ciyaaraan ee Ronaldo iyo Messi.
Su,aashii ugu horaysay ayaa ahayd in la waydiiyay midka uu labada xiddig la ciyaari lahaa ciyaar gacmeedka “Game-ka” FIFAWaxana uu ku jawaabay” Wali lama ciyaarin Labadoodaba Ciyaar gacmeedka FIFA sidaas darteed ma garanayo in ay ku fiicanyihiin ciyaartaas”.
Xiddiga ayaa wax laga waydiiyay midka uu la wadaagi lahaa garoonka caadiga ah waxana uu ku jawaabay”garoonka caadiga ah waxa aan jeclaan lahaa in aan ka garab ciyaaro labadoodba sababta oo ah waxa aan noqon lahayn saddexley weerar ah oo cajiib ah”.
Dybala ayaa su,aasha ugu dambaysa laga waydiiyay labada xiddig midka uu jeclaan lahaa in uu cunto u kariyo waxana uu ku jawaabay” Ciyaaryahanadu waa in ay iska ilaaliyaan cuntada ay cunayaan uma malaynayo in uu midkoodna jeclaan doono cuntadayda
