DAAWO: Maxaa Loogu Mashquulayaa Kepa Arrizabalaga? Lionel Messi Ayaa Hore U Sameeyay Si Cadna U Diiday Inuu Garoonka Kasoo Baxo 2014-kii.


Diidmadii goolhaye Kepa Arrizabalaga ee ahayd inuu diiday in la bedelo kulankii Final-ka Carabao Cup ee xalay ayaa maanta si weyn u qabsatay boggaga hore ee wargeysyada dalka England iyadoo dhacdadaasi hadal hayn weyn yeelatay.
Lambarka maaliyada Kepa ayaa kor loo taagay si uu kulanka uga soo baxo isagoo tababare Sarri aaminsanaa in xiddigiisu uu dhaawac qabo isla markaana rabay inuu bedel ku keeno Wily Caballero daqiiqadihii hadhsanaa iyo gool kulaadyada si uu u ciyaaro.
Kulanka kaddib goolhayaha ree Spain iyo tababarahiisa ayaa labaduba hoos u dhigay dhacdadan iyaga oo ku sifeeyay kaliya is faham la’aan balse shaqsiyaad badan ayaa aaminsan in Kepa uu si cad u diiday go’aanka tababaraha.
Haddaba, Dhacdada Kepa ayaa keentay in saxaafadu sidoo kale dib u xusto mar uu sidan oo kale sameeyay Lionel Messi oo dad badani u aaminsan yihiin midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.
Kulanka uu Messi diiday inuu kasoo baxo oo dhacay October 2014 ayay Barcelona 3-0 kaga adkaatay Eibar tababare Luis Enrique oo wakhtigaas Barca macalin ka ahaa ayaana go’aansaday inuu 15 daqiiqo ee ugu dambeeya soo saaro Messi si uu nasiimo yar u siiyo.
Balse Messi ayaa gacantiisa ugu jawaab celiyay tababare Enriue oo uu u sheegay inuu kulanka kusii jirayo isagoo iska indho tiray dalabka tababarahiisa.
Intaa kaddib Enrique ayaa go’aansaday inuusan halis galin ciyaartoyga ugu muhiimsan kooxdiisa waxaana ugu dambayn uu Munir El Haddadi oo ahaa xiddiga uu soo gelinayay uu kusoo bedelay Neymar JR.
Kulanka kaddib ayuu tababare Enrique si lamid ah Sarri isku dayay inuu sakhiro waxa dhacay isaga oo saxaafada u sheegay inay kahor inta aysan bedelka samayn si guud ahaaneed ciyaartoyga u weydiiyaan.
Halkan Ka Daawo Wakhtigii Uu Lionel Messi Diiday In Bedel Lagu Sameeyo