David Luiz Oo Ahaa Xiddiga Kaliya Ee Chelsea Ka Tirsan Ee Dhex Galay Doodii Kepa v Sarri Oo Saxaafada U Warramay Kaddib Kulankii Xalay.

Daafaca kooxda Chelsea ee David Luiz oo ahaa xiddigii kaliya ee Chelsea ka tirsanaa ee kala dhex galay murankii iyo khilaafkii dhex maray tababare Maurizio Sarri iyo goolhaye Kepa ee kulankii xalay ayaa ka warramay wixii uu goolhayaha u sheegay xiligii is maandhaafku socday.Kep Arrizabalaga ayay macquul tahay inuu ka qoomameeyo dhacdadii uu ka sameeyay kulankii ay guuldarrada rigoorayasha ah kala kulmeen Man City kaddib markii uu diiday go’aanka tababaraha ee ahaa inuu doonayay inuu ku bedelo goolhaye Willy Caballero.
Kulanka kaddib ayay goolhaye Kepa Arrizabalaga iyo tababare Sarri aragti isku mid ah ka yidhaahdeen falkaas iyaga oo labaduba sheegay inuu kaliya jiray is faham waa.
Haddaba, David Luiz ayaa sheegay inuu goolhayaha ree Spain u sheegay inuu ixtiraamo go’aanka tababaraha balse uusan ogayn haddii uu tababaruhu u bedelayay sababta inuu dhaawac ahaa iyo haddii uu bedel farsamo ahaa.
Daafaca ree Brazil ayaa yidhi “Kaliya waxaan ku idhi isaga waa inaynu ixtiraamno go’aanka tababaraha, Laakiin ma garanayo haddii uu tababaruhu doonayay inuu isaga u bedelo sababtoo ah inuu xanuun dareemayay iyo haddii uu ahaa bedel taatiko”
“Waxaan filayaa in tababaruhu doonayay bedel sababtoo ah dhaawaca, Isagu ma uusan fahmin midaas, (Kepa) waxa uu noo sheegayay anaga inuu fiicnaa, Isagu waxa uu ahaa mid fiican”
Si kastaba ha ahaateen shaqsiga dhaq-dhaqaaq la’aanta lagu eedeeyay kulankaas ayaa ahaa Cesar Azpilicueta kaas oo kabtanka Blues ee kulanka ahaa balse u dhaqmay sida ciyaartoyda kale isla markaana aan wax falgal ah la samayn dhacdada.