Diyaar Ayaanu U Nahay Kulanka El Clasico-da, Kama Cabsanayno Lionel Messi-Vinicius Jr Oo Digniin Kale U Diray Barcelona.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa afar maalmood gudahood iskaga hor iman doona laba kulan oo El Clasico ah waxaana arbacada la ciyaari doonaa kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey iyada oo kulankii Camp Nou ee lugtii hore uu barbaro 1-1 ah ku dhamaaday isla markaana waxay labada kooxood markale March 2 isku arki doonaa isla Santiago Bernabeu balse markan waxa uu noqon doonaa kulan horyaalka La liga ah.
Da’yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa ka hor kulankii Camp Nou ee El Clasico-da waxa uu digniin u sii diray Barcelona laakiin waxa uu markale ku celiyay in ay kooxdiisa Real Madrid diyaar buuxa tahay isla markaana ayna wax cabsi ah ka qabin Lionel Messi.
Inkasta oo uu Vinicius Junior si buuxda u qiray in Lionel Messi uu yahay ciyaartoy khaas ah, haddana waxa uu ku adkaystay in ayna cidna ka cabsanayn. Lionel Messi ayaa kulanka Real Madrid iskeeni doona iyaga oo saddexley goolal ah ka soo dhaliyay kulankii Sevilla si uu guul muhiim ah ugu horseeday Barca ka hor kulanka La Liga ee Real Madrid.
Vinicius Junior oo ka hadlaya kulanka El Clasico-da ayaa yidhi: “Anagu waxaanu diyaar u nahay El Clasico-da. Anigu ma sugi karayo in aan ciyaaro, waa kulan aad muhiim u ah. Ciyaartoy kastaaba waxa uu jeclaan lahaa in uu ku lug yeesho El Clasico-da”.
Vinicius Jr oo ka hadlaya Lionel Messi ayaa yidhi: “Messi markastaba halkaas ayuu joogaa. Isagu waa ciyaartoy khaas ah, laakiin anagu cidna kama baqayno. Diyaar ayaanu nahay isla markaana waxaanu haysanaa ciyaartoyda aduunka ugu fiican”.
Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay awoodeeda oo dhan iskugu gayn doonto kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey maadaama oo ay hadda dareemayaan in horyaalka La Liga uu aad uga fog yahay maadaama oo ay 9 dhibcood hoos uga dhaceen Barcelona waxayna noqon doontaa dagaal wayn oo uu Solari u gali doono sidii uu kooxdiisa ugu soo saari lahaa wareega xiga ee Copa Del Rey.
Barcelona oo taariik layaableh ku haysata rekoodhka Copa Del Rey oo ay 30 jeer ku soo guulaysteen ayaa doonaysa in ay markii shanaad oo xidhiidh ah u guulaystaaan tartanka koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey.