DOOD WADAAG: Ayaa Xili Ciyaareedkan Ku Guulaysan Doona Kabta Dahabka Ah Ee Yurub? Kulamada U Hadhsan Tartamayaasha Iyo Fursada Ay Haystaan.


Xili ciyaareedkan 2018/19 ayaa galay heerarkii ugu danbeeyay ee wax badan lagu go’aamin lahaa, waxayna kooxaha horyaalada Yurub dagaal ugu jiraan in ay hantaan koobabka loo tartamayo halka kuwo kale ay dagaal ugu jiraan sidii ay kaalmo muhiim ah ugu dhamaysan lahaayeen.
Horyaalada ayaa haddaba sii xoogaysanaya inkasta oo horyaalada France, Germany, Italy iyo Spain ay kooxaha PSG, Dortmund , Juventus iyo Barcelona u muuqdan kuwa awooda ugu saraysa iska leh halka horyaalka premier League uu yahay kan ugu adag ee aan ilaa hadda la saadaalin karin kooxda ku guulaysan doonta inkasta oo Liverpool iyo Man City midkood u muuqdo in ay koobka hanan doonaan.
Laakiin xifiltanka kooxaha Yurub waxaa dhex socda loolanka adag ee loogu jiro kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub taas oo ku salaysan ciyaartoyda goolasha ugu badan ka dhaliya horyaalada ay ka tirsan yihiin iyada oo xidiga dhibcaha ugu badan helaa uu kabta dahabka ah ku guulaysan doono.
Lionel Messi oo labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub ayaa wali u muuqda mid aan laga riixin karin in markii saddexaad oo xidhiidh ah uu u guulaysan doono kabta dahabka ah kadib markii uu saddexley goolal ah ka dhaliyay kulankii Sevilla.
Lionel Messi ayaa yeeshay 25 gool oo horyaalka La liga ah wuxuuna sidaa ku helay 50 dhibcood waxaana kaalinta labaad ku jira xidiga kooxda PSG ee Kylian Mbappé kaas oo 22 gool ku helay 44 dhibcood wuxuuna Messi ka hooseeyaa 6 dhibcood iyo saddex gool.
Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta saddexaad ugu jira 19 gool iyo 38 dhibcood halka Krzysztof Piatek uu isna horyaalka Talyaaniga ka dhiliyay 18 gool wuxuuna haystaa 36 dhibcood.
Min Imisa Kulan Ayay Ciyaareen Saddexda Xidig ee ugu sareeya ee Messi, Mbappe iyo Ronaldo? Imisa Kulan Ayaase U Hadhay Si Ay Kabta Dahabka Ah Fursada ugu wayn u heli Karaan?
waxaa halkaan idinku soo gudbineeysa shabakada ciyaarahahorseed.blogspot.com:
1-Lionel Messi: Horyaalka Spain waxaa laga soo ciyaaray 25 kulan, waxayna la micno tahay in Lionel Messi uu haysto 13 kulan oo La Liga ah oo uu ku sii difaacan karo kabta dahabka ah, waxayna taasi muujinaysaa in yahay xidiga ilaa hadda haysta fursada ugu wayn ee uu kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub ugu guulaysan karo.
2-Kylian Mbappé: Horyaalka France waxaa laga soo ciyaaray 26 kulan laakiin PSG ayaa hal kulan gacanta ku haysata waxayna soo ciyaartay 25 kulan oo uu Mbappe ku soo dhaliyay 22 gool waxayna taasi la micno tahay in Mbappe uu haysto 12 kulan oo uu Messi cadaadis ugu sii saari karo kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub.
3- Cristaino Ronaldo: Horyaalka Talyaaniga waxaa laga soo ciyaaray 25 kulan waxaana baaqi ah 13 kulan oo ay tahay in Cristaino Ronaldo uu sare ugu soo qaado gool dhalintiisa si uu kabta dahabka ah ugula tartami karo Lionel Messi iyo Mbappe oo hadda ka horeeya.
Maxaa Laga Filan Karaan Kulamada Baaqiga Ah Ee Iyo Saddexda Xidig Ee Gool Dhalinta Yurub ugu Sareeya?
Haddii aan wax ku qiimayno kulamadii la soo ciyaaray iyo goolasha ay saddexda xidig ee ugu sareeyaa haystaan, waxaa muuqata in Lionel Messi uu celcelis ahaan soo dhaliyay kulankiiba hal gool inkasta oo uu xataa kulamo dhaawac ku seegay.
Waxay u muuqataa in haddii uu Messi sii joogteeyo dhalinta hal gool kulankiiba ee celcelis ahaanta xogtiisa, in si sahlan uu u difaacan karo kabta dahabka ah, laakiin haddii uu Messi heerkiisa hoos uga soo dhaco isla markaana uu Mabppe sii wato heerka gool dhalintiisa oo celcelis ahaan kulankiiba ah 0.88 gool, waxa uu ku guulaysan karaa kabta dahabka ah.
Laakiin Cristaino Ronaldo oo celcelis ahaan kulankiiba soo dhaliyay 0.76 gool ayaa u baahan in marka hore uu sare u qaado heerka gool dhalintiisa Serie A isla markaana uu rajeeyo in Messi iyo Mbappe ayna sii joogtayn heerka gool dhalintooda.
Haddii aanad la socon halka la kala marayo gool dhalinta kabta dahabka ah halkan kaga bogo.
1 Lionel Messi- Barcelona ⇒ 25 Gool iyo 50 dhibcood
2 Kylian Mbappé -PSG ⇒ 22 Gool iyo 44 dhibcood
3 Cristiano Ronaldo -Juventus ⇒ 19 Gool iyo 38 dhibcood
4 Krzysztof Piatek- Genoa ⇒ 18 Gool iyo 36 dhibcood
5 Edinson Cavani -PSG ⇒ 17 Gool iyo 34 dhibcood
6 Sergio Agüero -Manchester City  17 Gool iyo 34 dhibcood
7 Fabio Quagliarella- Sampdoria  17 Gool iyo 34 dhibcood
8 Mohamed Salah -Liverpool ⇒ 17 Gool iyo 34 dhibcood
Haddaba akhriste, marka aad xogtan ka bogatay iyo kulamada u hadhsan xidigaha safka hore ku jira, ciyaartoygee ayaad filaysaa in uu xili ciyarareedkan ku guulaysan doono kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub?.