EL CALASICO: Shaxaha Macquulka Ah Ee Ay Santiago Solari & Ernesto Valverde Kula Soo Shirtagi Karaan Kulanka Finalka Copa Del Rey Loogu Soo Baxayo Ee Bernabeu.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa habeen danbe iskaga hor iman doona kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka Copa Del Rey kaas oo si toos ah loogu soo baxayo finalka koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey. Labada kooxood ayaa afar maalmood gudahood iskaga hor iman doona laba kulan El Clasico.
Real Madrid oo sanadihii ugu danbeeyay aan soo gaadhin finalka ama heerarka dhamaadka Copa Del Rey ayaa xili ciyaareedkan tamar badan ku bixinaysa sidii ay u soo dhex gali lahayd guulihii xidhiidhka ahaa ee ay Barcelona ugu difaacanaysay koobkan muddadii afarta xili ciyaareed ee la soo dhaafay.
Haddaba Santiago Solari iyo Ernesto Valverde, shaxo noocee ah ayay la soo shirtagi karaan kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey ee habeen danbe Bernabeu ku dhex mari doona?
Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxaha macquulka ah ee ay suurtogalka tahay in Solari iyo Valverde ay ku soo dagaal gali karaan kulanka adag ee Santiago Bernabeu ku dhex mari doona kaas oo ay hubaal tahay in midkood uu finalka iska xaadiri doono.
Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Santiago Solari kala hor iman Karo Barcelona:
Solari ayaa la filayaa in uu adeegsan doono shax qaabkeedu yahay 4-3-3 oo ah afar difaac ah, saddex khadka dhexe ah iyo saddex weerar ah waxaana la filayaa in uu goolka ku soo bilaabi doono Keylor Navas iyada oo la filayo in afarta difaaca ah ay ku soo wada bilaaban doonaan Ramos, Varane, Carvajal iyo Reguilon.
Casemiro, Modric iyo Kroos ayaa hubaal u dhawdahay in ay khadka dhexe ka wada ciyaari doonaan halka Karim Benzema, Vinicius Jr ay sii wadan doonaan hogaaminta weerarka isla markaana uu Lucas Vazguez booskiisa ilaashan karo taas oo la micno ah in Bale uu kaydka ku sii jiri karo.
Halkan kaga bogo qaabka ay noqon karta shaxda uu Solari kala hor iman doono Barcelona:
Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Ernesto Valverde Kula Soo Shirtagi Karo Bernabeu Ee Kulanka Real Madrid.
Valverde ayaa ku sii dhegsanaan doona shaxda qaabkeedu yahay 4-3-3 ee ay waqtiga dheer Barcelona ku soo ciyaaraysay waxaana goolka ku jiri doona Ter Stegen halka afarta difaaca ah ay buuxin karaan Umtiti, Pique, Alba iyo Roberto.
Saddexda khadka dhexe oo aan iyaga wali la hubin waxaa la filayaa in Valverde uu sii aamini doono Vidal inkasta oo uu qaab ciyaareed liita muujiyay kulankii Sevilla laakiin waxaa hubaal ah in Busquets iyo Rakitic ay khadka dhexe ku jiri doonaan haddii ayna wax kale oo dhibaato ahi dhicin.
Lionel Messi, Luis Suarez iyo Demeble ayaa weerarka hogaamin doona taas oo la micno ah in Coutinho uu kaydka sii fadhiyi doono waxaana la filayaa in Arthur Melo aanu taam u noqon doonin kulanka Copa Del Rey.
Halkan kaga bogo Qaabka Ay Noqon Karto Shaxda uu Valverde Kala Hor Iman Karo Real Madrid.
Haddaba akhriste, haddii aad taageere u tahay Real Madrid, ama Barcelona, miyaad filaysaa in shaxahani yihiin kuwii ay guulo ku gaadhi kareen labada kooxood? Haddii aanad shaxahan ku qancin, shax noocee ah ayaad jeclaan lahayd in ay kooxdaadu ku ciyaarto kulanka Bernabeu?.