EL CLASICO: Min Saddex Sababood Oo Real Madrid & Barcelona Ku Qasbaya In Ay U Soo Baxaan Finalka Copa Del Rey Iyo Xogta Taariikhda kulamadii Bernabeu Ee Qarnigan 21-Aad.


Kooxaha colaada wayni ka dhexayso ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa afar maalmood gudahood waxay  Santiago Bernabeu ku ciyaari doonaan laba kulan El Clasico iyada oo barri oo arbaca ah la ciyaari doono kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka Copa Del Rey laakiin March 2 waxay markale iskugu soo laaban doonaan kulanka horyaalka La Liga ee labaad.
Real Madrid ayaa kulanka Santiago Bernabeu ah kooxda haysata faa’iido yar oo ay ka soo heshay Camp Nou, waana in ay gool marti ah soo dhalisay balse waxaa hubaal ah in kulanka lugta labaad uu noqon doono kan sida rasmiga ah u go’aamin doona midka labadan kooxood u soo bixi doona finalka Copa Del Rey.
Laakiin Barcelona ayaa xog layaableh ku soo haysatay garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu intii lagu jiray qarnigan 21 aad waxaana lagu qeexay in Azulgarana ay garoonka Santiago Bernabeu ka dhigatay gurigeeda labaad ee ugu fiican intii lagu jiray 20 kii sanadood ee ugu danbeeyay ee qarnigan 21 aad.
Inta ay Barcelona ku soo dhibtootay Santiago Bernabeu ayaa aad uga yar inta ay farxad ugu soo qaadatay muddadii lagu jiray qarniga 21 aad sida ay xogta kulamadii ay Madrid martida u ahayd qeexayaan waana arinta maskax ahaan u saamayn karta labada kooxood.
Intii lagu jiray qarnigan 21 aad, Barcelona ayaa  8 kulan oo kaliya guuldaro kala soo laabtay Santiago Bernabeu, waxayna 6 kulan ku dhamaadeen barbaro halka Barcelona ay soo guulaysatay 11 kulan oo ay muddadan marti ku soo noqotay Estadio Santiago Bernabeu, sidaa daraadeed, 25 kulan oo ay Barcelona marti ku ahayd Bernabeu intii lagu jiray 20 kii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa ku soo gaadhay 8 guuldaro oo kaliya.
Arinta kale ee Real Madrid walwalka ku abuuraysa ayaa ah in goolkii ay martida ugu soo dhaliyeen Camp Nou aanu noqon karin mid laysku halayn karo sababtoo ah ma jiro hal kulan oo ay Real Madrid iyo Barcelona soo wada ciyaareen qarniga 21 aad oo barbaro gool la’aan ah ugu dhamaaday Bernabeu, sidaa daraadeed, waxaa markale la filayaa in ay goolal dhalan doonaan.
Real Madrid ayaa u baahan doonta in ugu yaraan ay barbaro gool la’aan ah la gasho Barcelona ama ay guul gaadho si ay ugu soo baxdo finalka Copa Del Rey, laakiin Barcelona ayaa ku soo bixi karta guul ay gaadho ama barbaro kasta oo gaadhaya 2-2 ama ka badan.
Ernesto Valverde ayaa laba jeer oo kaliya booqday Bernabeu isaga oo ah tababaraha Barcelona, wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay guuldaro kala kulmay Madrid kaas oo ahaa Spanish Super Cupka xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay halka kulankii La liga ee waqtigii ciid galeeda Chrismaska uu guul ku soo gaadhay Bernabeu markaas oo ay Barca labada gacmoodba ku sii dhigtay koobka horyaalka ay xili ciyaareedkii hore ku soo guulaysatay.
Miyay Real Madrid Muhiimada Saari Doontaa U Soo Bixi Taanka Copa Del Rey Inka badan Kulanka La Liga ee isla Barcelona?
Waxay u muuqataa in kooxda Real Madrid ay muhiimada kowaad siin doonto sidii ay finalka Copa Del Rey ugu soo bixi lahayd, waxaana jira saddex sababood oo Madrid arintan ku qasbaya.
1- Real Madrid waxay doonaysaa in ay soo gaba gabayso rekoodhka taariikhiga ah ee ay Barcelona ku doonayso in ay markii shanaad oo xidhiidh ah ku guulaysato Copa Del Rey, halka ay Los Blancos diyaarka u tahay in ay meesha ka saarto inkaartii ka soo haysatay koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey.
2- Real Madrid oo maanka ku haysa in tartanka horyaalka La Liga uu haddaba gacan ugu jiro Barcelona maadaama oo ay 9 dhibcood ka hooseeyaan, waxayna halkii ay kulanka La Liga muhiimada kowaad siin lahaayeen dareemi karaan in Copa Del Rey uu noqon karo kan ay koob ahaan uga dhaw yihiin horyaalka La Liga.
3- Xamaasada iyo xifiltanka kulanka El Clasico ayuu dhaqankiisu yahay in haddii uu final yahay iyo haddii uu saaxiibtinimo yahay ay Real Madrid u dagaalanto sidii ay guul uga gaadhi lahayd Barcelona.


Miyay Barcelona Lafteedu Muhiimada Kowaad Ka Dhiganaysaa U Soo Bixitaanka 
Finalka Copa Del Rey?

Aragtida Barcelona waa mid cad oo aan qarsoodi ahayn, waxayna doonayaan in ay xili ciyaareedkan isku dayaan sidii ay saddexda koob ugu guulaysan lahaayeen, waxayna sidoo kale u muuqdaan in sida Real Madrid oo kale ay muhiimad wayn siinayaan sidii ay finalka Copa Del Rey ugu soo bixi lahaayeen waxaana jira sababo Barca gaar u ah.
1- Barcelona waxay doonaysaa in ay taariikh cusub oo kale dhigto si ay u noqoto kooxdii ugu horaysay ee soo celcelisa in ay hal xili ciyaareed saddexda koob kuwada guulaysato, iyada oo Luis Enrique uu ahaa tababarihii ugu danbeeyay ee 2015 kii ka caawiyay saddexda koob ee Copa Del Rey, La Liga iyo Champions league.
2- Barcelona ayaa doonaysa in ay sii wadato saaxiibtinimada fiican ee ka dhexaysa Copa Del Rey oo ay ku haystaan rekoodh 30 koob ah, waxayna sidoo kale doonayaan in ay taariikhda sii galaan oo ay markii shanaad oo xidhiidh ah ku guulaystaan Copa Del Rey.
3- Barcelona waxay kulanka Copa Del Rey ee Bernabeu u arkaan mid uga muhiimsan kulanka isla Bernabeu ee La Liga, sababtoo ah xataa haddii ay Real Madrid guuldaro kala soo laabtaan kulanka La Liga waxay haystaan dhibco muhiim ah oo ay wali ka sii horayn karaan kooxaha reer Madrid, halka kulanka Copa Del Rey uu yahay mid hal jaho oo kaliya u dhaqaaqi kara oo ah guulayso oo soo gaadh finalka ama si toos ah tartanka uga bax.
Laakiin Valverde iyo Solari ayaa wax walba u samayn doona in mid kastaaba uu guulaysto labada kulan ee El Clasico-da bernabeu balse waxaa hubaal noqon doonta in kooxda laga reebo Copa Del Rey ay kulanka horyaalka ee La liga ee Bernabeu iskeeni doonto iyada oo aan waxba la hadhi doonin.
Haddaba akhriste, kooxdee ayaad filaysaa in ay finalka Copa Del Rey u soo bixi doonto? Miyay Real Madrid awoodi doontaa in ay rekoodhka Barca ee Copa Del Rey soo gaba gabayso? Mise Barca ayaa markale soo gaadhi doonta finalka koobka ay afarta jeer ee xidhiidhka ah ku soo guulaysatay?