FARXAD: Jamaahiirta Liverpool Oo Farxad Weyn Helaya Xilli Uu Tababare Jurgen Klopp War Cusub Uga Soo Gudbiyay Xaalada Soo Kabasho Ee Saddex Xiddig.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa farxad geliyay jamaahiirta kooxdiisa Liverpool kaddib markii uu war wanaagsan uga sheegay xaalada dhaawac kasoo kabasho ee saddex xiddig oo muhiim u ah kooxooda kuwaas oo maqnaa mudooyinkii ugu dambeeyay.
Klopp ayaa sheegay in Joe Gomez uu soo laaban doono bisha March ee soo socota isaga oo sidoo kale tilmaamay in Dejan Lovern uu soo laaban karo kulanka toddobaadkan ee Everton halka uu sidoo kale xusay in Chamberlain uu ku dhaw yahay soo kabasho buuxda.
Gomez ayaa dhaawac jabniin oo lugta qaybaheeda hoose ka gaadhay ku maqnaa mudo ku dhawaad saddex bilood ah isagoo kulankii ugu dambeeyay ciyaaray ciyaartii Burnley ee DecemberKlopp ayaa sheegay in qaliin dhawaan la mariyay Gomez uu horumariyay xiddiga isla markaana uu haatan kusoo laabtay tababarada kooxda koowaad.
Tababare Klopp oo ka warramaya xaalada saddexdaas xiddig ayaa yidhi “Waxaan filayaa kaddib fasaxa qaramada inuu fiicnaan doono haddii uusan qofna dhaawacmin wakhtigaas kahor waxaanu heli doonaa doorasho caadi ah”
“Joe waxa uu samaynayaa soo kabashadiisa waxa uu sameeyay talaabooyin waaweyn haatan, Orod uu ku sameeyo banaanka iyo waxyaabahaas oo dhan”
“Dejan (Lovern) waxa uu u muuqdaa mid fiican haatana waxa uu bilaabay tababarka caadiga ah, Waxa uu noqon karaa diyaar mar labaad kaddib Everton”
“Ox (Chamberlain) waxa uu samaynayaa 70% tababarka kooxda ah, Waxa uu u tababartaa si buuxda laakiin maaha tababar u badan sida xiddigaha kale kaddib waxa uu tagaa xilli yara horraysa (Isagoo ka shaqaynaya) waxa uu u baahan yahay, Qofkasta waxa uu markasta raadinayaa fal-celin laakiin wali waxba ma dhicin”
Soo laabashada saddexdan xiddig ayaa kusoo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu xilli ciyaareedkan oo muhiim u ah Reds uu marayo meel xasaasi ah wax badana lagu go’aamin karo