F****CK hell Iyo Dhawrkii Kalmadood Ee Uu Jurgen Klopp U Sheegay Ole Gunnar Iyo Solkjaer Oo Ka Falceliyay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaan wax farxad ah ka muujin barbarihii ay kooxdiisu xalay la soo gashay Manchester United waxaana jiray dhawr kalmadood oo afkiisa ka soo baxay markii uu Ole Gunnar Solskjaer gacan qaadayay ee dhamaadkii ciyaarta taas oo uu Solskjaer isna ka faceliyay markii uu saxaafada soo hor fadhiistay.
Jurgen Klopp ayaa isna markii uu saxaafada la hadlayay kadib kulankii Old Trafford waxa uu sheegay arin ayna jeclaysan doonin jamaahiirta Man United isaga oo ku dooday in natiijada ciyaartu ahayd mid Man United ay hal dhibic ku guulaysatay isla markaana ay kooxdiisa Liverpool laba dhibcood ku lumisay.
Klopp ayaa kulan qashin ahaa oo cadaab ahaa ku sifeeyay kulankii Manchester United isaga oo ka cadhaysnaa dhaawacyadii tirada badnaa ee garoonka ka dhacay kuwaas oo uu si buuxda ugu eedeeyay in ay qaboojiyeen dardartii ay ciyaartoyda kooxdiisa Reds ciyaarta ugu bilawdeen.
Kamarada ayaa qabtay erayadii uu Jurgen Klopp u sheegay Ole Gunnar Solskjaer markii ay ciyaartu soo dhamaatay wuxuuna yidhi: “F****** hell, Alla muxuu kulan qashin ahaa!”. Waxaana hadalkan xaqiijiyay Solskjaer oo isna fikrad ka duwan Klopp saxaafada u sheegay.
Solskjaer oo ka hadlaya erayadii Klopp ayaa yidhi: “Isagu fikradiisa u gaarka ah ayuu yeelan karaa. Waxaan filayaa in xaqiqidii aanu bandhig fiican qaadanay, laakiin dabcan isagu muu faraxsanayn haddii ayna bartilmaameedka garaacin”.
Sidoo kale Klopp oo saxaafada la hadlayay yidhi: “Waxaa waajib kugu ah in aad qaadato, anigu ma faraxsani, laakiin waxaanu u baahanahay in aanu ku shaqayno. Shaqada adag ee xigtaa waxay sugaysaa arbacada (kulanka Watfrod)”.
Klopp oo si daacad ah u hadlaya ayaa yidhi: “Daacad ahaantii si fiican umaanu shaqayn, taas waanu qaadanaynaa, waxaa laga yaabaa in aanu dareeno in aanu laba dhibcood luminay isla markaana ay Man United hal dhibic ku guulaysatay, wax walba oo dhan waxay si deg deg ah ugu muuqdeen in aanu halkan ku guuldaraysanayno”.
Klopp ayaa hadalkiisa sii raaciyay arin muujinaysa sida aanu ugu faraxsanayn natiijadii Old Trafford wuxuuna yidhi: “Haddii aanaan maanta kooxdan ka guulaysan, waxbaa naga qaldan, dhamaantayo bini aadam ayaanu nahay, waana sida ay tahay”.
Liverpool ayaa ku soo laabatay hogaaminta Premier league laakiin hal dhibic oo kaliya ayay ka sareeyaan Manchester City waxaana baaqi ah 11 kulan iyada oo Liverpool ay u hadhsan yihiin kooxaha Chelsea iyo Tottenham halka Man City ay la ciyaari doonto Man United iyo Tottenham marka laga yimaado kulamada kale ee labada kooxood u hadhsan.