Guardiola: Liverpool Way Naga Fiican Tahay, Marka Ayna Guulaysan Waanu Faraxsan Nahay Balse Koobka Wuu Dhexeeyaa.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in ilaa hadda kooxda Liverpool ay tahay tan ugu fiican Premier league wuxuuna cadeeyay in marka ayna Reds guulaysan ay faraxsan yihiin. Pep Guardiola oo hore u sheegay in ayna ciyaartoyda kooxdiisu ku mashquulin la socoshada kulamada Liverpool, ayaa saxaafada ka hor qirtay in ay kulamadooda diirada saaraan balse ay la socdaan waxa ay Liverpool samaynayso.
Liverpool ayaa ilaa hadda hal dhibic ku hogaaminaysa tartanka koobka Premier league waxaana hadhsan 11 kulan taas oo la micno ah in haddii ay labada kooxood wada guulaystaan kulamada u hadhsan ay wali Liverpool tahay kooxda koobka hanan karta, waana sababta uu Guardiola u qiray in Liverpool ay kooxdiisa iyo kuwa kale ee Premier league ka fiican tahay.
Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa isku diyaarinaya kulamada barri ay la ciyaari doonaan kooxaha Watford iyo West Ham sida ay u kala horeeyaan, wuxuuna Guardiola ku dooday in koobka Premier league uu wali kooxdiisa gacmaheeda ugu jiro sida uu Liverpool ugu jiro oo kale.
Guardiola oo sharaxaya sababta uu u qirtay in Liverpool ay wali kooxdiisa iyo kooxaha kale ee Premier league ka fiican tahay ayaa yidhi: “Iyagu wali way hogaaminayaan, ilaa hadda iyagu way naga fiican yihiin anaga, waxay ka fiican yihiin Tottenham iyo kuwa kale”.
Guardiola oo ka hadlaya in ay la socdaan waxa ay Liverpool samaynayso ayaa yidhi: “Waxaanu diirada saarnaa kulamadayada laakiin dabcan waxaanu eegnaa waxa ay iyagu samaynayaan isla markaana waanu faraxsanahay marka ayna guulaysan. Waxaan qiyaasayaa in Liverpool ay faraxsan yihiin marka aanaan guulaysan, waxaa la mid ah Tottenham iyo kuwa kale”.
Pep Guardiola oo ka hadlaya in koobka Premier league uu ku jiro gacmaha Liverpool iyo kooxdiisa iyo sababta uu sidan u sheegay ayaa yidhi: “Waxaanu haysnaa hal dhibic oo farqi ah, waxaanu haysnaa 33 dhibcood oo ay tahay in loo ciyaaro. Koobku gacmahaaga ayuu ku jiraa, waxa uu ku jiraa gacmaha Liverpool, laakiin sidoo kale gacmahayaga ayuu ku jiraa. Waxa kaliya ee aanu samayn karnaa waa in aanu iyaga cadaadis saarno”.
Kadib 120 daqiiqo oo ay Man City ciyaartay kulankii finalkii EFL Cupka ayuu Guardiola diiday in wax cudur daar ah uu ka aqbalo ciyaartoyda kooxdiisa marka ay Etihad Stadium barri ku soo dhawaynayaan kooxda West Ham United.
Guardiola oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu ma doonayo in aan ciyaartoydayda ka arko wax cudur daar ah oo ku saabsan daal ama tirada kulamada, taasi waxba ma aha marka ay waajibka kugu tahay in aad difaacashada koobka u dagaalanto ilaa dhamaadka. Awooda iyo tamarta lagu gaadhayo ayaa ka wayn cudur daarka aad helayso”.