Haddii La Heli Karo Xal Lagu Joojiyo Lionel Messi, In Barcelona Ay Ka Fiicnayd Real Madrid Wakhtigiisii & Rafael Van Der Vaart Oo Waraysi Muhiim Ah Bixiyay

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Rafael Van Der Vaart oo warraysi bixiyay kahor kulanka El-Classico ee caawa ayaa ka hadlay qoddobo dhaw ah oo ay ugu xasaasinaayeen haddii la celin karo Lionel Messi iyo sidii ay Barca uga fiicnayd wakhtigiisii Real Madrid.
Madrid oo haysata faa’ido ah inay bar-bardhac kusoo gashay Camp Nou ayaa caawa qaabili doonta Blaugrana iyadoo la go’aamin doono kooxda gaadhaysa Final-ka Copa De Rey.
Van Der Vaarta ayaa daafacyada kooxdiisii hore u sheegay inay wajahayaan qabashada shaqo aan macquul ahayn marka ay wajahaan Messi maadaama oo uu yahay mid meelkasta jooga oo aan la difaaci karin.
Rafael ayaa yidhi “Isagu waxa uu ka yimid duni kale, Maalintii xigtay ayaan isaga kaga hortagay Sevilla, Waa wax aan macquul ahayn in isaga la joojiyo sidaas ayaan filayaa sababtoo ah waxa uu kasoo muuqdaa meelkasta, Isagu waxa uu maamulaa kubadda laakiin xawaaraha iyo farsamada, Ma difaaci kartid isaga”
Van Der Vaart ayaa ah shaqsi si fiican u garanaya waxa ay tahay in laga hor tago Messi maadaama oo uu Real kusoo qaatay intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2010.
Halyeeygan ree Holland ayaa sidoo kale si khaas ah farta ugu fiiqay kulankii ay Barcelona 2-6 kaga adkaatay markaas oo uu sheegay in kooxda ree Catalonia ay aad uga fiicnayd iyaga.
“Markii aan joogay Madrid, Barca ayaa inbadan naga fiicnayd anaga, Inbadan ayay ka fiicnayd dhammaan kooxaha kale ee dunida wakhtigaas”
“Waxaan xasuustaa kulankii 2-6 waxa uu u ekaa Play Station (Ciyaar gacmeed)