HALIS: Man City Oo Lagu Bilaabay Baadhitaan Ay Ku Mutaysan Karto Ganaaxii Suuqa Kala Iibsiga Ee Chelea Lagu Soo Rogay Oo Kale.

Dhawaan ayay ahayd markii xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in kooxda Chelsea ay ku heleen in ay jabiyeen sharciga suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaana Blues gadhka loo galiyay ganaax laba xili suuq ah inkasta oo ay shaaciyeen in ay racaan ka qaadan doonaan.
Laakiin hadda Manchester City ayaa lagu bilaabay baadhitaan sabab u noqon kara in ay markooda la kulmaan ciqaab dhinaca suuqa ah iyada oo waliba ay Man City u dheertahay in ay hore ganaax ugala kulantay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA.
FIFA ayaa markii ay Chelsea ku soo rogtay ganaaxa labada xili suuq ah waxay lacago ganaax ah ku dul dhigtay maamulka Chelsea iyo waliba xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga oo iyagana lagu eedeeyay in ay ka soo bixi waayeen waajibaadkii ka saarnaa in ay kooxahooda sharciga ku ilaaliyaan.
Haddaba xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga ayaa haddaba bilaabay warar soo baxay oo sheegayay in Manchester City ay lacag siisay wakiilka Jadon Sancho markii uu 14 sano jirka ahaa kaas oo ay kadib ka iibisay kooxda Borussia Dortmund oo uu waqti layaableh ku qaadanayo.
FA-ga ayaa Manchester City ku samaynaya baadhitaan lagu ogaanayo haddii ay run tahay in ay wakiilkii Jadon Sancho ee Emeka Obasi ay siiyeen 234,000 kun oo euros markii da’yarka reer England ayaa 14 sano jirka ee March 2015 kii.
Wargayska Jarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel oo inta badan daabaca wararka sirta ah ee uu soo saaro Football Leaks ayaa biyo kulul ku dhex riday maamulka Manchester City kadib markii ay shaciyeen xogta qaabkii ay Sky Blues u jabisay sharciga suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda 18 sano jirka ka yar.
Haddii ay cadaato in Man City ay lacag siisay wakiilka Jadon Sancho ee Emeka Obasi markii uu xidigani ahaa 14 sano jirka waxay City mutaysan kartaa ganaax culus iyada oo waliba ay jiraan dhawr kooxood oo kale oo Premier league ka dhisan oo baadhitaano lagu hayo.
Kiiska Man City laga baadhayo ayaa ahaa mid dhacay markii ay Sancho kala soo wareegaysay Watford, waxaana la eedeeyay in ay jabiyeen sharciga suuqa kala iibsiga ee da’yarta taas oo hadda FA-gu ay baadhitaankeeda wadaan.