Hamiga Lionel Messi Ee Xili Ciyaareedkan Oo Saddexda Koob Ah, Saamaynta Uu Kulamada El Clasico Ku Yeelan Karo Iyo Saddexleydii Uu Sevilla Ka Dhaliyay Oo Niyada U Dhisaysa.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa si buuxda uga soo kabsaday dhaawicii uu la soo dhibtoonayay kulankii lugtii hore ee Copa Del Rey ee ay Barcelona garoonkeeda Camp Nou barbaraha kula gashay Real Madrid markaas oo uu Messi kaydka ugu jiray dhaawicii ka soo gaadhay kulankii Valencia.
Laakiin Valverde oo waqtiyo badan oo aad u adkaa kaga soo gudbay adeega Lionel Messi ayaa waqti muhiim ah dib u helay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Lionel Messi inkasta oo xaalada ciyaartoyda kale ee Barca ay aad u liidatay kulamadii ugu danbeeyay.
Philippe Coutinho iyo Arturo Vidal ayaa ku soo fashilmay kulankii Sevilla, waxayna Valverde ku qasbaysaa in uu tixgalin siiyo qaabkii uu ciyaarotoy kale u adeegsan lahaa labada kulan ee xidhiidhka ah ee ay Real Madrid la ciyaari doonaan.
Laakiin saddexleydii uu Lionel Messi ka soo dhaliyay kulankii Sevilla iyo waliba qaab ciyaareedkii guud ee uu sameeyay waxa uu dhiiro galin wayn siinayaa Barcelona oo dhan gaar ahaan Messi laftiisa oo maskax ahaan ugu soo laabtay xaaladiisii ugu fiicnayd.
Valverde ayaa ka fikiraya sidii uu ku joojin lahaa da’yarka Real Madrid ee Vinicius Jr kaas oo xawaare dheeraynaya ku soo dhibaateeyay Barcelona kulankii Camp Nou inkasta oo khibrad yaraantiisu ay wax badan ka xumaysay Real Madrid marka loo eego dhaq dhaqaaqii fiicnaa ee uu sameeyay.
Sidoo kale goolkii uu Luis Suarez ka dhaliyay kulankii Sevilla waxa uu ka dul qaaday culayskii ka haystay gool la’aantii uu eedaynta badan kula soo kulmay, laakiin jamaahiirta Barcelona ayaa wax badan ka filanaya Lionel Messi maadaama oo uu saamaynta ugu badan ku yeesho kulamada kooxaha Spain ugu waa wayn.
Marka laga yimaado saamaynta wayn ee laga filayo Lionel Messi, Barcelona ayayna suurtogal ugu muuqan in ay kulanka El Clasico-da hore ee Copa Del Rey heli karaan Arthur Melo iyada oo Valverde looga bartay in aanu wax halis ah galin ciyaartoyda kooxdiisu marka ay dhaawaca ka soo laabanayaan.
Sidaa daraadeed, Sergio Busquets iyo Ivan Rakatic ayaa khadka dhexe sii wadan doona waxayna qaar ka mid ah warbaahinta Spain sheegayaan in Valverde uu tixgalinayo in uu Sergi Roberto khadka dhexe ku soo celiyo maadaama oo Vidal uu aad u soo liitay.
Lionel Messi oo a hadlayay kulamada soo socda ee Real Madrid ayaa yidhi: “Waxaa naga horeeya kulamo badan oo adag, way sii adkaanaysaa oo ay sii adkaanaysaa in la guulaysto. Anagu ma luminayno mid ka mid ah tartamada. Waxaanu hal talaabo u jirnaa in aanu soo gaadhno finalka Copa Del Rey, laakiin waxaanu kulan aad u adag Real Madrid kaga hor iman doonaa garoonkooda”.
Messi oo fariin u sii dirayay Real Madrid ayaa yidhi: “Laakiin halkaas ayaanu tagi doonaa oo aanu isku dayi doonaa in aanu guulaysano, anagu kalsooni ayaanu ku qabnaa in aanu awood u leenahay in aanu taas samayno. Kadib waxaanu markale ka fikiri doonaa horyalka. Waxaanu doonaynaa in aanu isku dayno in aanu dhamaan ku guulaysano”.
Shirka jaraa’id ee Valverde ayaa wax badan looga ogaan karaa sida ay xalaada kooxdiisu tahay iyo haddii uu Arthur Melo wax fursad ah heli karo maadaama oo ay Barca si wayn ugu soo dhibtoonaysay kulamadii uu ka maqnaa.
Daawo Saddexleydii uu Lionel Messi ka dhaliyay Sevilla iyo bandhigii guud ee uu sameeyay kaas oo uu dhiiro galin uga dhiganayo kulamada Real Madrid.