Hordhac: Chelsea Vs Man United: Blues Oo Markii 5-aad Oo Xiriir h Red Devils Ka Reebi Karta FA Cup-ka

Kulan xiiso leh ayaa ka dhici doona garoonka Stamford Bridge kana tirsan wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka kaas oo dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Man United.
Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ay ka go,antahay in ay iska maydho ceebtii ka soo gaadhay Kulankii Man City ee premier League.
Dhanka kale Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyad aoo doonaysa in ay saxdo wixii khaldamay kulankii PSG ee champions League.
Kulanka: Chelsea Man United:
Tartanka: FA Cup
Wakhtiga: 10:30 Habeenimo
Garoonka: Stamford Bridge
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda Chelsea ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay ee Man United ka reebta tartanka FA Cup-ka 5 kulan oo xiriir ah.
Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa markii 5-aad ku kulmi doona FA Cup-ka muddo 6 sano ah iyada oo ay ku jirto kulamadii ku celiska ahaa ee ay chelsea 1/0 ku badisay 3-dii mar ee ugu dambaysay kadib markii ay bar-baro 2/2 ah ku kala bexeen Kulan ka dhacay Old Trafford 2013.
Red Devils ayaa kaliya badisay 2 kulan oo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Blues kula ciyaartay Stamford Bridge iyada oo ku fashilantay in ay guul ka gaadho 9-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Kulankan ayaa noqon doona midii 64-aad ee ay kulmaan in ka yar 22 sano taas oo ka dhigaysa kulanka ugu ciyaarista badan England tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii 1997/1998.