Hordhac: Liverpool Vs Bayern Munich: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Leh Ee Champions League

Liverpool ayaa marti galin doonta Bayern Munich kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kulan ka dhici doona Anfield.
Labada Kooxood ayaa ka mid ah kooxaha ugu guulaysiga badan tartanka champions League iyada oo dhexdooda ku guulaystay 9 koob oo tartanka ah.
Kooxda Jurgen Klopp oo sanadkii hore gaadhay Finalka tartanka ayaa doonaysa in ay mar kale gaadho finalka tartanka xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa dhankeeda isha ku haysa in ay tartanka ku guulaysato tartanka champions League markii ugu horaysay tan ilaa 2013.
Kulanka: Liverpool Vs Bayern Munich
Tartanka: Champions League
Garoonka: Anfield
Wakhtiga: 11:00 Habeenimo Garoonka
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Liverpool ayaa rikoodh la Ixtiraami karo ku leh kooxda Bayern Munich inkasta oo ay labada kooxood kaliya wada ciyaareen 7 kulan iyada oo kulankii ugu dambeeyay ahaa UEFA Super Cup oo dhacay 2001.
Liverpool ayaa ku badisay 3/2 kulankaas iyada oo ay saddexda gool u dhaliyeen John Arne Riise, Emile Heskey & Michael Owen.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay Bayern Munich guul kaga gaadhay kooxda Liverpool ayaa yimid 1971 Kulankaas oo ahaa tartanka UEFA European Cup Winners Cup.
Guud ahaan Liverpool ayaa badisayy 2 kulan halka ay Bayern Munich guul ka gaadhay hla kulan 4-ta kulan ee kalena bar-baro ku dhamaadeen.