HORDHAC: Liverpool Vs Watford, Man City Vs West Ham, Crystal Palace Vs Man United Iyo Kulamada Saamaynta Badan Yeelanaya Oo Isku Saacad La Ciyaarayo.
Horyaalka Premier league waxaa caawa hal saacad la wada ciyaari doonaa dhamaan kulamada ay lixda kooxood ee waa wayni ciyaari doonaan waxaana halkii ugu saraysay ay xamaasadu gaadhi doontaa marka ay kooxaha kaalinta kowaad iyo labaad isku haysta ee Liverpool iyo Man City ay marti galin doonaan kooxaha Watford iyo West Ham.
Manchester United oo iyaduna u dagaalamaysa kaalinta afraad ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace laakiin waxaa sidoo kale jira kulamo kale oo muhiim ah oo saamayn buuxda ku yeelan kara kaalmaha Champions League loogu soo baxayo.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa xogta iyo wararkii ugu danbeeyay ee kulamada Liverpool-Warford, Man City-West Ham United iyo Crystal Palace- Man United iyada oo qorma kale aad kaga bogan doontaa kulamada Chelsea-Tottenham iyo Arsenal-Bournemouth.
Kulanka Man City-West Ham
Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawanaysa kooxda uu macalinkoodii hore ee Manuel Pellegrini hogaaminaho ee West Ham United, waxayna kooxda Guardiola ciyaaraysaa kulankii Premier League ee ugu horeeyay kadib markii ay isku soo hubsadeen difaacashada koobka EFL Cupka oo ay rekoodhayaal kaga qaadeen Chelsea.
Manchester City ayaa isku dayi doonta in ay culayska ku sii hayso kooxda kaalinta kowaad ku jirta ee Liverpool, waxayna Sky Blues haysataa fursad ay garoonkeeda ugu ciyaarayso oo ay saddexda dhicbood kaga heli karto West Ham.
Wararka Man City vs West Ham
Manchester City waxaa dhaawac kaga maqnaan doona Fernandinho iyo Aymeric Laporte oo dhaawacyo looga saaray kulankii finalkii EFL Cupka wuxuuna Guardiola ku qasbanaan doonaa in uu shaxdiisa isbadalo ku sameeyo maadaama oo ay 120 daqiiqo ku soo ciyaareen kulankii Wembley Stadium.

Ilkay Gundogan ayaa la filayaa in uu badali doono Fernandinho halka Vincent Kompany uu buuxin karo booska uu Laporte ka maqnaan doono waxaana shaki la galinayaa in John Stones uu ka soo kabsan karo dhaawac gumaarka ka soo gaadhay.
Waxa kale oo uu taam ahaanshahooda shaki ku jiraa xidigaha kala ah Gabriel Jesus, Benjamin Mendy iyo Fabian Delph waxaana suurtogal noqon karta in Guardiola uu markale soo safi doono Sergio Aguero, Kevin De Bruyne iyo David Silva oo dhamaantood ciyaaray kulankii EFL Cupka.
Dhinaca West Ham waxaa ugu danbayn u soo laabtay Manuel Lanzini oo ciyaaray kulanki Fulham kadib markii uu muddo dheer garoomada ka maqnaa laakiin Pellegrini ayaan wali halis ku galin doonin uu shaxdiisa ku soo bilawdo.
Waxa kale oo uu in uu soo laabto ku dhaw Fabian Balbuena laakiin waxaa West Ham ka sii maqnaan doona xidigaha kala ah Winston Reid, Andriy Yarmolenko iyo Jack Wilshere.
Shaxda Macquulka Ah Ee Man City Vs West Ham United:
Man City: Ederson; Danilo, Otamendi, Kompany, Zinchenko; De Bruyne, Gundogan, D Silva; Mahrez, Aguero, Sane
West Ham :Fabianski; Zabaleta, Diop, Ogbonna, Cresswell; Antonio, Noble, Rice, Snodgrass, Anderson; Arnautovic
Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Kulanka Crystal Palace Vs Man United
Manchester United oo xaalad dhaawacyo musiibo ah dhexda kaga jirta ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace oo xaalada fiican ku soo jirtay waxayna Red Devils isku dayi doontaa sidii ay dagaalka kaalinta afraad u sii wadan lahayd kadib barbarihii ay Liverpool la galeen.
Man United ayaa kulanka Crystal Palace ciyaari doonta isla saacada ay kooxaha Chelsea iyo Arsenal ciyaarayaan waxayna saddexdan kooxood dagaalkii ugu waynaa u sii gali doonaan sidii ay kaalinta afraad ku heli lahaayeen.
Wararka Crystal Palace Vs Man United Ee Ka Hor Kulankan:
Manchester United waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona Ander Herrera, Juan Mata iyo Jesse Lingard oo saddexdooduba ku dhaawacmay kulankii Liverpool waxaana sidoo kale dhaawac ku sii maqnaa Nemanja Matic taa soo la micno ah in Solskjaer uu markale adeegsan doono Scott McTominay iyo Andreas Pereira.
Xaalada Man United ayaa sii xumaan karta haddii uu Marcus Rashford awoodi waayo in uu taam buuxa u noqdo kulanka Crystal Palace maadaama oo uu waqti dheer kulankii Liverpool ku ciyaaray isaga oo aan taam buuxa ahayn.
Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez ayay suurtogal tahay in ay shaxda Man United ku soo wada bilaaban karaan laakiin war fiican ayaa jiri kara haddii shaqaalaha caafimaadku ay Anthony Martial u xaqiijiyaan in uu ciyaari karo.
Dhinaca Crystal Palace waxay xili danbe qiimayn doonaan xaalada Mamadou Sakho kaas oo uu ku soo laba kacleeyay dhaawac jilibka ahi laakiin ma jiraan dhaawcyo cusub oo uu tababaraha Premier league ugu da’da wayn ee Roy Hodgson uu qabaa.
Laakiin waxaa wali Crystal Palace ka sii maqnaan doona difaacyada kala ah Aaron Wan-Bissaka, Martin Kelly iyo Pape Souare si la mid ah gool dhaliye Connor Wickham iyo goolhaye Julian Speroni.
Shaxda Macquulka Ah Ee Crystal Palace vs Man United
Crystal Palace :Guaita; Ward, Tomkins, Dann, Van Aanholt; McArthur, Milivojevic, Schlupp; Townsend, Batshuayi, Zaha
Man Utd :De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Pereira, McTominay, Pogba; Sanchez, Lukaku, Martial
Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika:

Kulanka Liverpool vs Watford
Liverpool ayaa soo dhawaynaysa kooxda Watford oo guusheedii ugu waynayd oo 5-1 ahayd ka soo gaadhay Cardiff City waana guushii ugu saraysay ee ay heerka kowaad ka gaadheen tan iyo November 1986 laakiin Liverpool ayaa kulankan iskeenaysa iyada oo u dhaarsan in ay tubta guusha ku soo laabto kadib barbarihii Old Trafford.
Jurgen Klopp ayaa cadho wayn kula dhacay ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool kadib barbarihii kulankii Man United, wuxuuna markale ka doonayaa in ay boodka iska tumaan oo isla markaana ay Watford saddexda dhibcood kaga qaataan Anfield si ay kaalinta kowaad u sii xejisan karaan.
Wararka Liverpool iyo Watford Ee Ka Hor Kulankan:
Liverpool waxay wali dhexda kaga sii jirtaa xaalada dhaawacyada tirada badan waxaana liiska dhaawacyada Reds ku biiray Roberto Firmino kaas oo kulankii Man United qaybtiisii hore dhaawac ku baxay waxaana la filayaa in Klopp uu isbadal ku samayn doono safka weerarka kooxdiisa.
Inkasta oo sidii la moodayay aanu u waynayn dhaawaca Firmino, haddana kulanka Watford ayaa ah mid ku soo deg degay oo aanu taam u noqon karin isla markaana aanu Klopp doonayn in uu wax halis ah galiyo maadaama oo uu kulanka Bayern Munich soo dhaw yahay.
Divock Origi ama Shaqiri ayaa la filayaa in ay ku murmi doonaan booska Roberto Firmino halka Daniel Sturridge uu ku fashilmay kulankii Man Uited markii uu badalay Firmino taas oo fursadiisa si wayn hoos ugu dhigaysa.
Klopp ayay suurtogal tahay in uu door bidi doono in shaxdiisa ugu dib ugu soo celiyo Xherdan Shaqiri iyo Naby Keita laakiin waxaa wali dhaawacyo ku sii maqnaan doona Joe Gomez , Dejan Lovren iyo Chamberlain.
Jurgen Klopp ayay u badan tahay in uu kaydka dhigi doono kabtankiisa Jordan Henderson kaas oo ay iskugu dhaceen badalkii uu ku soo saaray kulankii Man United iyada oo Fabinho, Wijnaldum iyo Keita ay khadka dhexe wada buuxin karaan.
Mohamed Salah oo badal lagu saaray kulankii Man United ayaa shaxda Klopp ku soo laaban doona wuxuuna ka hor iman doonaa kooxdii uu xili ciyaareedkii hore afarta gool ka dhaliyay ee Watford waana isla qaabkii uu kulankii Man United ugu soo fashilmay ee uu haddana kulankii Watford afarta gool uga dhaliyay waana taariikh ay jamaahiirta Reds jecel yihiin in ay markale arkaan.
Dhinaca Watford waxaa wali ka sii maqnaan doona Jose Holebas isaga oo qaadanaya ganaaxa kulankiisii labaad kadib markii uu 10 kaadh oo digniin ah qaatay waxa kale oo maqnaan doona Kiko Femenia.
Deulofeu iyo Troy Deeney oo shantii gool ee kulankii Cardiff City dhaliyay ayaa shaxda Watford hogaamin doona mana jiraan dhaawacyo cusub oo ay ka walwalsan yihiin.
Shaxda Macquulka Ah Ee Liverpool Vs Watford
Liverpool : Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Wijnaldum; Keita , Shaqiri, Mane; Salah
Watford : Foster; Janmaat, Mariappa, Cathcart, Masina; Hughes, Doucoure, Capoue, Pereyra; Deulofeu, Deeney
Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
