Hordhac: Lyon Vs Barcelona: Blaugrana Oo Ka Gacan Saraysa Kooxda Reer France Kulamada Waji-Ka Wajiga Ah

Kooxda Barcelona ayaa u safri doonta Lyon si ay ula ciyaarto kooxda Lyon kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.
Garoonka The Groupama Stadium ayaa marti galin doona kulanka 1-aad ee dhex mari doona kooxaha Lyon iyo Barcelona ee tartanka champions League.
Barcelona ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay natiijo fiican oo guul ama bar-baro ah ugala bixi lahayd garoonka The Groupama Stadium.
Dhanka kale Lyon ayaa doonaysa in ay Barcelona ka badiso si ay natiijo fiican uga hesho kulanka ka hor lugta 2-aad ee Camp Nou.
Kulanka: Lyon Vs Barcelona:
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 11:00 Habeenimo
Garoonka: The Groupama Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labada Kooxood ayaa iska hor iman doona kulankoodii 7-aad ee tartamada yurub iyada oo Barcelona badisay 4 kulan 6 kulan halka ayna wali wax guuldaro ah kala kulmin Lyon.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay labada Kooxood wada ciyaareen tartanka champions League waxa ay ahayd 2008/2009 waxana ay Barcelona ku badisay 6/3 wareega 16-ka tartanka halka ay kulamadii kale ku kulmeen wareega Group-yada.
Lyon ayaa bar-baro 2/2 ah ku Qabatay Barcelona kulan ka dhacay garoonkeeda bishii November 2019 laakiin Barcelona ayaa guul 3/2 ah ka gaadhay kulan ka dhacay France October 2001 iyada oo xiddigaha Patrick Kluivert iyo Rivaldo dhaliyeen goolasha.