jose-mourinho-john-terry-iyo-chris-sutton-oo-ka-falceliyay-ceebtii-uu-kepa-ku-sameeyay-maurizio-sarri
Guuldaradii Chelsea ka soo gaadhay finalkii EFL Cupka ee Manchester City waxaa hadheeyay falkii foosha xumaa ee uu sameeyay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga kadib markii uu si aan la qiyaasan karin uga falceliyay go’aankii uu Sarri ku doonayay in uu badal ku saaro daqiiqadihii ugu danbeeyay waqtigii dheeriga ahaa ee kulankii EFL Cupka.
Jose Mourinho oo Chelsea laba jeer ka soo shaqeeyay iyo waliba halyayadii hore ee Blues ee John Terry iyo Chris Sutton ayaa dareenkooda ka bixiyay dhacdadii kubbada cagta gilgishay ee uu Kepa Arrizabalaga kula kacay macalinkiisa Maurizio Sarri.
Bal qiyaaso ciqaabta uu mari lahaa Kepa Arrizabalaga haddii uu Jose Mourinho xidhnaan lahaa kabaha Maurizio Sarri ee kulankii EFL Cupka! laakiin Mourinho ayaa isku dayay in aanu ku talaxtagin ceebayna Kepa inkasta oo uu ku tilmaamay mid murugo leh.Chris Sutton ayaa ku dooday in ay waajib tahay in Kepa aanu mar danbe u ciyaarin kooxdiisii hore ee Chelsea wuxuuna muujiyay cadho wayn oo uu kula dhacay goolhayaha reer Spain.
Jose Mourinho oo falanqeeye kubbada cagta ah ka ah DAZN ayaa isaga oo Kepa ka hadlaya yidhi: “Nasiib wanaag anigu tan oo kale waligay maan soo marin. Xaqiiqdii waan ka murugaysanahay”.
Laakiin Mourinho ayaa isku dayay in uu arinta dhinac kale ka eego wuxuuna yidhi: “Goolhayuhu waxa uu doonayay in shaqsiyadiisa, kalsoonidiisa uu muujiyo, waxa uu doonayay in uu muujiyo in uu halkaas joogay wuxuuna doonayay in uu badbaadino ka sameeyo rekoodhayaasha, taasna waan jeclahay”.
Laakiin Mourinho ayaa qiray in Kepa uu xaalad burbur ah galiyay tababarihiisa iyo caawiyaasha kooxdiisa wuxuuna yidhi: “Anigu ma jecli in uu tababarihiisa iyo tababare ku xigeenkiisa uu kaga baxay xaalada burburka wayn ah, iyo ciyaartoyga ay isku kooxda yihiin ee diyaarka u ahaa in uu garoonka soo galo kaas oo dhamaadkii naftiisa ku dhex arkay isaga oo xaalad dhibaato ah ku dhex jiray oo aanu waxba ka qaban karin”.
John Terry oo waqti dheer kabtan ka soo ahaa Chelsea isla markaana Sky Sports ka soo muuqday ayaa isna dhacdadan ka hadlay wuxuuna yidhi: “Marka lambarkaaga sare loo qaado waxaa waajib kugu ah in aad soo baxdo oo aad ixtiraam muujiso oo aad taas marka danbe la xaajooto. Taasi waa waxa ugu danbeeya ee uu ciyaartoy sameeyo”.
Terry ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Xaqiiqdii dhamaadkii waxay daruur ku noqotay bandhigii fiicnaa, waxay qaadatay bandhigii fiicnaa, waa niyadjab, waynu arki doonaa waxa dhaca”.
Laakiin halyaygii hore ee Chelsea ee Chris Sutton ayaa meel adag iska taagay xaaladii waalida ahayd ee uu Kepa abuuray wuxuuna yidhi: “Kepa waxaa waajib ah in aanu waligii markale u ciyaarin Chelsea. Waxaa waajib ah in uu kaasi noqdo bandhigiisii ugu danbeeyay ee garanka Chelsea”.
Chris Sutton oo cadho wayni hayso ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Isagu wuu ceeboobay, anigu waligay maan arag wax sidan oo kale ah. Haddii aan Sarri ahaan lahaa waan iska bixi lahaa, laguma yaraysan karo. Maxay ahayd sababta ayna ciyaartoydu Kepa u soo jiidan si uu u soo baxo, waxaa waajib ah in Kepa la caydhiyo ee ma aha Sarri”.