Jose Mourinho Mise Mauricio Pochettino? Jamaahiirta Real Madrid Oo Tababaraha Dookhooda Ah Sheegtay & Madaxweynihii Hore Ee Kooxda Oo Ku Raacay.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa u muuqday kuwo dalbaday macalinka ay doonayaan inuu kooxooda la wareego waxaana aragtidooda mid lamid ah qaba madaxweynihii hore ee kooxda ee Ramon Calderon.
Madrid ayaa heshay dib udhac kale oo xilli ciyaareedkooda ah kaddib markii ay Barcelona ku garaacday afar dhammaadka Copa Del Rey isla markaana kor usoo qaaday hammigooda hanashada afarta koob taa bedelkeedana god ku riday fursadaha ay Los Blancos wax koob ah ku hanan karaan.
Kaddib markii uu kulanku kusoo dhammaadaay 3-0 ay Barca ku guuleysatay ayay natiijada ka dhalatay noqotay in jamaahiirtu dalbadaan macalinka dookhooga ah iyaga oo ku heesyay magaca tababarihii hore ee kooxda ee Jose Mourinho oo ay doonayaan inuu soo laabto.
Marka laga yimaado in jamaahiirtu ay dalbadeen in Solari lagu badalo Mourinho taageerayaasha badhkood ayaa iyagu dalbanayay in madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez uu is casilo.
Doorashada ah in Mourinho kusoo laabto Bernabeu ayaanu sidoo kale meesha ka saarin Ramon Calderon waxaana uu baraha bulshada kusoo daabacay aragtidiisa ah in Special One xilli ciyaareedka dambe qaban doono jagada kooxda.
Qoraalka Calderon ayaa ahaa “Waan qabaa dareenka…. Kaddib waxyar….In Mourinho uu fadhiisan doono kursiga keydka Real Madrid xilli ciyaareedka dambe”