Jose Mourinho Oo Cadeeyay Nooca Shaqada Uu Doonayo In Uu Qabto Iyo Cashar Uu Man United Ka Soo Bartay Oo Uu Ku Saleeyay.

Tababarihii hore ee Manchester United ee Jose Mourinho ayaa aaminsan in qaab dhismeed xumada Old Trafford uu ka soo bartay in aanu qaban doonin koox u shaysa sida United balse shaqada xigta ee uu qaban doonaa ay noqon doonto koox fahansan kubbada cagtu qaab dhismeedka ay leedahay.
Manchester United ayaa si ka duwan kooxaha kubbada cagta waxaa qaab dhismeedka kooxdeeda gabi ahaanba ka maqan agaasimaha ciyaaraha waxayna taasi keentay in si toos ah ay u wada xidhiidhaan macalinka kooxda kowaad ee Red Devils iyo waliba gudoomiye ku xigeenka ahna madaxa fulinta ee Ed Woodward.
Jose Mourinho oo ka soo shaqeeyay kooxaha Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo FC Porto ayaa hadda dareemay in Man United ay ahayd kooxdii uu dhibta ugu badan ugu soo maray qaab dhismeedka kooxdeeda iyada oo Red Devils ayna ilaa hadda magacaabin agaasime ciyaareed oo ay kooxdeedu yeelan karto.
Jose Mourinho oo ka hadlaya waxa uu shaqadiisa xigta ku tixgalin doono ayaa yidhi: “Anigu ma doonayo dhibaato gudaha ah. Waxaan doonayaa damqasho gudaha ah. Waxaan doonayaa in aan la shaqeeyo koox fahansan in uu halkaas ka jiro qaab dhismeed”.
Mourinho oo ka hadlaya waxyaabihii uu la soo kulmay waayihiisa tababaranimo ayaa yidhi: “Intii aan ku guda jiray waayahayga tababaranimo waxaan ku soo shaqeeyay duruuf kasta oo suurtogal ah. Xaalada ugu guulaysiga badani ma aha sababtu qaab dhismeedka, laakiin sababtu waa damqashada qaab dhismeedka”.
Mourinho ayaa sii sharaxay nooca kooxda uu doonayo in uu qabto wuxuuna yidhi: ” Haddii ay tahay koox aan hami lahayn, anigu uma tagi doono. Waxaan diiday shaqooyin la ii soo bandhigay, sababtoo ah waxaan doonayaa hami kubbada cagta ah oo heerkiisu sareeyo ee heerka ugu sareeya (maamulka kooxda)”.
Mourinho ayaa sheegay in laba arimood ay yihiin waxa uu ku tixgalin doono shaqada xigta oo ah in marka hore uu helo koox dhexdeeda laga heli karo damqasho gudaha kooxdeeda ah iyo in maamulka ugu sareeya ee kooxdu ay leeyihiin hami kubbada cagta ah oo aad u sareeya.
Mourinho ayaa yidhi: “Shaygayga ugu horeeyaa waa qaab dhismeed damqasho leh, waxaan doonayaa in aan la shaqeeyo dad aan jecelahay. Dad aan doonayo in aan la shaqeeyo, kuwaas oo aan ku faraxsanahay in aan la shaqeeyo, kuwaas oo aan la wadaago fikrad isku mid ah. Waa wixii aan Inter ku soo haystay. Waxaa jira kooxo sidan oo kale ah, caadi ahaan, taasi aad ayay qayb muhiim ah uga tahay guusha kooxda”.