Juren Klopp Oo Qolka Labiska Ku Jeex Jeexay Kabtankiisa Jordan Henderson Kadib Falcelintii Xumayd Ee Uu Ka Sameeyay Badalkiisii Kulankii Old Trafford.
In badan waxay kubbada cagta aduunku ku mashquul sanayd wixii uu goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa uu ku sameeyay Sarri iyo qaabkii uu sida waalida ah ugu diiday in uu garoonka ka soo baxo laakiin kulankii Old Trafford ee Man United iyo Liverpool, Jordan Henderson ayaa cadho wayn ka muujiyay markii uu Klopp badal ku saaray.
Waxaa hadda soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha falcelintii Jurgen Klopp ee markii uu soo dhamaaday kulankii Old Trafford iyo wixii uu qolka labiska kooxdiisa ka sameeyay.

Klopp ayaa daqiiqadii 72 aad ee kulankii Man United waxa uu ciyaarta ka saaray Jordan Henderson laakiin xidiga reer England ayaa si cadho leh uga falceliyay badalkii Klopp ku saaray balse waqtigii garoonka la joogay Klopp ayaa isdajiyay wuxuuna la sugay intii ciyaartu dhamaanaysay.
Wargayska The Sun ayaa shaaciyay in Jurgen Klopp uu Jordan Henderson ku jeex jeexay qolka labiska isla markaana uu cadho wayn kula dhacay kabtanka kooxdiisa isaga oo ugu cadhaysnaa falcelintii aan fiicnayn iyo cadhadii uu ka sameeyay Old Trafford markii uu badalka ku soo saaray.
Waxa kale oo uu Klopp cadho kula dhacay Sadio Mane iyo dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa Reds oo uu u sheegay in kulamada noocan ahi yihiin kuwa horyaalka loogu guulaysto, wuxuuna Klopp qolka labiska ka sameeyay arin fariin cad u noqon karta xidigaha kooxdiisa Liverpool.
Liverpool ayaa awoodi wayday in ay Man United guul ka soo gaadho inkasta oo ay qaybtii hore ka dhaawacmeen Ander Herrera, Juan Mata iyo Jesse Lingard hala Marcus Rashford uu ciyaarayay isaga oo aan xaalad taam ahaansho oo buuxda ku jirin.
Inkasta oo uu Klopp dhaawacyadii Man United ku eedeeyay in ay ciyaartoydiida kooxdiisa saamayn xun kaga yeesheen dardartii ay ku bilawdeen isla markaana ay ku karaar jabeen oo ay hadba joojintii ciyaartu saamayn ku yeelatay, haddana waxa uu cadho kula dhacay Henderson kaas oo waliba ciqaab kale marin karo.
Klopp ayaa la sugayaa inuu kaydka dhigi doono Jordan Henderson kulanka Waford isla markaana uu shaxdiisa dib ugu soo celin doono Naby Keita iyada oo Klopp uu si wayn uga cadhooday falcelintii xumayd ee uu Henderson erayada dagaalka ah ugu muujiyay macalinkiisa Klopp markii badalka lagu saaray.
Liverpool ayaa barri Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda Watford waana kulan muhiim u ah in ay hogaanka sii haystaan iyada oo Mohamed Salah uu ka hor iman doono kooxdii uu xili ciyaareedkii hore afarta gool ka dhaliyay waana isla qaabkii uu Man United ugu soo fashilmay ee uu kulankii Watford ugu xigay.