Jurgen Klopp Oo Qiima Aad U Hooseeya Ku Helaya Xidigii Muhiimada Kowaad U Ahaa Intii Aanu Salah Helin Iyo Xidig Reds Ka Tirsan Oo Booskiisa Lagu Buuxin Karo.




Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka mid ah tababarayaasha sida fiican u fahma nooca ciyaartoyda ku haboon hanaanka ciyaareed ee uu doonayo in uu fahmo ciyaartoy kasta oo uu la shaqaynayaa wuxuuna hore ugu guulaystay inuu Anfield keenay xidigo muhiim noqday balse markii hore shaki laga muujinayay.
Intii aanu Jurgen Klopp helin Mohamed Salah waxaa jiray xidig kale oo bartilmaameedka kowaad u ahaa balse sababo jiray awgeed aan wax heshiis ah arintiisa laga gaadhin laakiin waxaa hadda soo baxay war sheegaya in Klopp uu xidigan ku heli karo qiime aad u hooseeya balse uu galaafan doono booska mid ka mid ah ciyaartoyda Anfield ku sugan.
Jurgen Klopp ayaa sanadkii 2017 kii doonayay saxiixa Julian Brandt kaas oo ka tirsan kooxda horyaalka Jarmalka ee Bayer Leverkusen laakiin Liverpool ayaan wax horumar ah ka samayn rabitaankii 2017 kii ee Julian Brandt balse hadda qiimaha heshiiskiisa lagu burburin karo ayaa la ogaaday iyo waliba in uu Premier league diyaar u yahay.
Wargaysyada Jarmalka ka soo baxa ee Bild iyo Kicker ayaa shaaciyay in 22 sano jirka reer Germany ee Julian Brandt uu dhamaadka xili ciyaareedkan ku soo laaban doono dareenka kooxda Liverpool laakiin ay Reds ku qasbi doonto in ay Adama Lallana iska fasaxaan.
Waxaa la shaaciyay in heshiiskii uu Julian Brandt u saxiixay kooxdiisa Bayer Leverkusen uu ku jiro qodob sheegaya in qandaraaskiisa lagu burburin karo 21 milyan gini oo kaliya taas oo Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool siin karta awooda ay burburin karaan heshiiskiisa isla markaana ay Anfield ku keeni karaan.
Julian Brandt ayaa 7 gool soo dhaliyay isla markaana 10 gool caawin soo sameeyay taas oo la micno ah in uu 17 gool ku soo lug yeeshay halka Adam Lallana oo uu booskiisa la bixi karaa inta badan ku qaatay kursiga kaydka isla markaana aanu wax saamayn ah yeelan xili ciyaareedkan.
Laakiin agaasimaha ciyaaraha kooxda Bayer Leverkusen ee Simon Rolfes ayaa wali kalsooni ku qaba in Julian Brandt uu kooxdiisa ku sii nagaan karo si uu u sii wato horumarka uu 22 sano jirkani soo waday balse haddii uu Jurgen Klopp kaga dhabeeyo xiisihii uu waqtiga badan u hayay xidigan waxa ay Reds ku heli kartaa qiimo waqti xaadirkan suuqa aad ugu hooseeya.