KA DAR OO DIBI DHAL: Muxuu Kepa Arrizabalaga U Sheegay Goolhayihii Uu Niyadjabiyay Ee Willy Caballero? Miyuu Sarri Caawa Kaydka Dhigi Doonaa Kepa?

Goolhayaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa niyadjab wayn ku abuuray goolhayaha ay isku kooxda yihiin ee Willy Caballero kadib markii uu diiday in uu booskiisa u soo baneeyo intii lagu jiray dhamaadkii finalkii EFL Cupka, waxaana la ogaaday hadalkii uu Kepa u sheegay Caballero kadib dhacdadii soo kala martay Sarri.
Dhinaca kale Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Kepa aanu shaxdiisa ku soo bilaabin kulanka caawa ee Tottenham inkasta oo uu sidoo kale xusay in ay suurtogal noqon karto in uu ciyaaro waxayna qaar ka mid ah warbaahinta England sheegayaan in Sarri uu kadyka dhigi doono Kepa.
Laakiin Kepa oo qirtay in uu qalad wayn sameeyay isla markaana ganaax mushaar hal todobaad ah lagu soo rogay ayaa goolhaye Willy Caballero kaga sii cadhaysiiyay halmado uu qolka labiska ugu sheegay taas oo keentay in labada goolhaye ay faraha iskula tagi gaadheen isla markaana uu khilaaf wayni dhex maray.
Wargayska The Sun ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatadii uu hadalkii Kepa ku keenay Caballero iyo sidii uu sabab ugu noqday in khilaaf xoogani uu sii dhex maray markii layskugu yimid qolka labiska Wembley Stadium.
Kepa ayaa Willy Caballero u sheegay in isagu uu ka fiican yahay isla markaana ay taasi ahayd sababtii uu doonayay in aanu garoonka ka soo bixin si uu rekoodhayaasha qayb uga ahaado laakiin hadalkan ayaa Willy Caballero ka sii cadhaysiiyay maadaama oo uu markii horeba ka niyadjabsanaa in isaga oo la soo diyaariyay in uu ciyaarta soo galo uu Kepa sabab toos ah u noqday in uu kaydka iskaga laabtay.
Willy Caballero ayaa si wayn uga cadhooday hadlka uu Kepa ku sheegtay in uu isagu ka fiican yahay oo uu doonayay in uu garoonka sii joogo waxayna taasi keentay in hadal kulul uu dhex maray labada gool haye intii lagu jiray qolka labiska halkaas oo uu Sarri laftiisu ku jeex jeexay Kepa.
Ka hor kulanka caawa ee ay Chelsea la ciyaarayso Tottenham ayuu Maurzio Sarri cadeeyay in Kepa uu cawaaqib la kulmi doono waxaana loo badinayaa in goolhaye Willy Caballero uu heli doono booskii Kepa iyada oo Sarri uu qiray in Kepa uu diyaar u noqdo cawaaqibka qaladkii waynaa ee uu sameeyay.
Maurizio Sarri oo ka hadlaya in Kepa uu diyaar u noqdo wixii uu sameeyay ayaa yidhi: “Waxaa isaga waajib ku ah in uu diyaar ahaado, waxa uu sameeyay qalad wayn, waxa uu isagu sameeyay qalad wayn, waxaa jiri doona ciqaab ka dhalatay. Cawaaqibku waxa uu noqon karaa in uu ciyaaro, waxa uu noqon karaa in uu diyaar u ahaado inuu ciyaaro, haddii uu cawaaqibku yahay kursiga kaydka, waxaa waajib ku ah in uu diyaar u ahaado kaydka”.
Kepa ayaa isku darsaday qalad xun oo ka galay Sarri, Kepa, ciyaartoyda kooxdiisa Chelsea, shaqaalaha tababarka, jamaahiirta iyo waliba Willy Caballero laakiin qaabkii uu kamarada ugu iljabiyay iyo hadalka hadda soo baxay ee uu Willy Caballero ugu sheegay in sababta uu garoonka ugu soo bixi waayay ahayd in uu isagu ka fiican yayay ayaa shaqsiyadiisa soo koobaysa.