Ka Hor Kulanka Bayern Munich , Firmino Iyo Dejan Lovren Oo Walaac Ku Abuuray Taageerayaasha Liverpool


Xiddigaha kala ah Firmino iyo Dejan Lovren ayaa wel wel ku abuuray taageerayaasha kooxdaas ka hor kulanka Bayern Munich ee wareegga 16-ka Champion-ka .
Sky Sports ayaa sheegeysa in labadaas laacib ay ka maqnaadeen tababarkii galabata ee ay kooxdaas Liverpool ugu diyaar garoobayaan kulankaas adag .
Haddii ay dhacdo in labdaas laacib seegaan kulankaas dhab ahaan Liverpool waa dhibaatooneysaa xilli sidoo kale uu ka maqan yahay daafacooda Virgil van Dijk .
Daafacaas reer Holland ayaa ku seegaya kulankaas isaga oo ay isu dul saarmeen kaararka digniinta xilli sidoo kale uu kulankaas maqan yahay Gomez oo dhaawacan
Waxa la xusayaa in Firmino uu ku sheeganayo xanuun haya balse weli Liverpool war ku aadan xaaladdiisa kama soo bixin