Kabtanimada Halaga Qaado Azpilicueta Oo Haloo Dhiibo Rudiger – Wakiilka Antonio Rudiger Oo Olole Bilaabay & Sababta Uu Azpilicueta Ku Diidayo.


Wakiilka daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger oo lagu magacaabo Saif Rubie ayaa u muuqday mid weerar ku qaaday Cesar Azpilicueta oo ah kabtanka kulamada ugu badan Chelsea matala .
Dhacdada uu wakiilkani ku haysto Azpilicueta ayaa ah murankii dhex maray dhawaan tababaraha kooxda ee Maurizio Sarri iyo goolhayaha kooxda ee Kepa Arrizabalaga markaas oo goolhayaha ree Spain diiday bedel uu samaynayay tababaruhu.
Xiddiga kaliya ee ka tirsan Chelsea isla markaana la hadlay goolhaye Kepa ayaa ahaa David Luiz kaas oo sida uu saxaafada u sheegay mar dambe kula taliyay inuu dhagaysto go’aanka tababaraha.
Azpilicueta ayaa saxaafada u sheegay inuusan waxba ka ogayn dhacdada waxaana uu ahaa hadalkii kiciyay jamaahiirta oo uu qayb ka ahaa Saif Rubie kaas oo kooxda si cad ugula taliyay inay kabtanimada ka siibaan daafacii hore ee Marseille isla markaana Rudiger u dhiibaan.
Rubie ayaa sheegay inuu taageero u yahay Azpilicueta balse ay ahayd inuusan ogolaadeen in wixii dhex maray Kepa iyo Sarri ay dhacaan taa bedelkeedana ay tahay in kabtanimada laga saaro loona dhiibo Rudiger oo ah hoggaamiye waa sida uu hadalka u dhigaye.
Saif Rubie ayaa Twitter-ka walow uu markii dambe tir-tiray kusoo daabacay ” Waxaan ahayd taageere weyn oo Azpi [Azpilicueta] ah laakiin ka kabtan ahaan ma aysan ahayn inuu marnaba ogolaado wixii ku dhacay goolhayaha oo diiday inuu soo baxo”
“Aniga ahaan waxa uu u baahan yahay in kabtanimada laga qaado, Waa in goolhayaha laga saaro shaxda mustaqbalka dhaw oo Rudiger laga dhigo kabtanka Chelsea maadaama oo uu hoggaamiye yahay”