Kaddib Dhaawacyadii Matic, Mata, Herrera Iyo Lingard, Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Shaaciyey Xiddig Kale Oo Muhiim Ah Oo Ciyaartii Liverpool Ku Dhaawacmay
Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyey in kooxdiisu ay gashay qalalaase iyo xaalad madax-xanuun ah ka hor kulanka Arbacada ay la ciyaari doonaan Crystal Palace.
Manchester United ayaa waxa xalay ka dhaawacmay Ander Herrera, Jesse Lingard iyo Juan Mata oo dhamaantoodba laga saaray garoonka qaybtii hore ee kulankii Liverpool ay goolal la’aanta ku kala baxeen, hase yeeshee saddexdooda kaliya dhaawacyadu kuma koobnayn, waxaana ku biiray laacib afraad oo kulanka dhamaystay.
Ole Gunnar Solskjaer oo markii horeba uu ka maqnaa Nemanja Matic oo ku dhaawacmay tababarkii ay kooxdiisu iskugu diyaarinaysay Liverpool ayaa waxa sariirta ugu tegay afar laacib oo ay soo galaafatay Liverpool, kuwaas oo waqti ku qaadan doona sariirta daaweynta dhaawacyada.Macallinka reer Norway oo u warramay Sky Sports ayaa qiray in inta badan ciyaartii Liverpool ay ka hor tageen uu dhaawac ku ciyaarayey weeraryahanka 21 jirka ah ee Marcus Rashford, balse uu waqti horeba ka dhamaaday beddelku.
Ole Gunnar Solskjaer waxa uu tilmaamay in aanu la kulmin Rashford kaddib ciyaartii xalay, balse uu ahaa dhaawac, waxaanu yidhi: “Maan arag ciyaartii kaddib amaba daaweyntii kaddib. Haddii uu ciyaaro (Ciyaarta Crystal Palace), layaab ayay igu noqon doontaa.
“Waxa si toos ah uu uga dhaawacmay kuraanta, waxayna ahayd in si toos ah aanu u beddelno laakiin maanaan samayn karaynin. Waxaanu ku ciyaaraynay 10 laacib iyo badh (Rashford ayuu badh ka dhigay maadaama uu dhaawacnaa), laakiin Rashford ayaa dedaal sameeyey.”
Waqtiga ayaa sheegi doona in Rashford uu taam u noqon karo kulamada muhiimka ah ee kusoo fool leh United, gaar ahaan kulanka Arbacada, haddii uu maqnaadana waxay dhibaato ku tahay Ole Gunnar Solskjaer sidii uu beddelkiisa u heli lahaa.
Rashford ayaa dhaliyey lix gool sagaal kulan oo horyaalka Premier League oo uu shaqada tababarenimo hayey Solskjaer, waxaana la saadaalinayaa in aanu waqti badan maqnaanin, halka xaaladda Martial, Lingard, Nemanja Matic iyo Anthony Martial ay adag tahay.
Manchester United ayaa waxa kusoo fool leh ciyaaro muhiim ah, gaar ahaan kulanka lugta labaad ee Champions League oo ay PSG ugu tegi doonaan magaalada Paris toddobaadka dambe, waxaase uga soo horreyn doona Crysal Palace iyo Southampton oo horyaalka Premier League ah.