KAMA QASNA: Goolhaye Kepa Arrizabalaga Oo Kaamerada U iL-Jabiyay Walow Uu Amar Diido Foolxumo Sameeyay.

Goolhayaha kooxda Chelsea ayaa u muuqday mid u il jabiyay kaamerada intii uu isku diyaarinayay gool kulaadyadii ay ku guuldaraysteen ee ay kula ciyaareen Manchester City xalay gegida Wembley Stadium.
Goolhaye Kepa ayaa fadhiistay qaybihii ugu dambeeyay ee kulankii Final-ka Carabao Cup tababare Sarri ayaana bedelka uga yeedhay goolhayaha dookha labaad ee Willy Caballero balse goolhayaha ree Spain ayaa ku gacan saydhay.
Dhacdada uu Kepa u il jabiyay kaamerada oo dhacday intii lagu gudo jiray isku diyaarintii rigoorayaasha waana kaliya daqiiqado kaddib markii uu amar diidada ku sameeyay macalinka.
Kepa ayaa ficilkaas ku muujinayay sida uu kalsoonida weyn ugu qabo inuu kooxdiisa rigoorayaasha ku badbaadin doono balse midaas qudheeda ayaa shaqayn wayday isaga oo qalad ku lahaa inuu rigoorihii Sergio Aguero oo laag sahlan ahaa uu gacmihiisa ka hoos baxo.
Kaddib gool kulaadyo ay khasaariyeen David Luiz iyo Jorginho ayuu ugu dambayn Raheem Sterling u istaagay gool kulaadka ugu dambeeya oo uu si cajiib ah cidhifka sarre uga dhaliyay.
Kulanka kaddib ayuu tababare Sarri hoos u dhigay dhacdada muranka ka dhex aloostay isaga iyo goolhayaha kooxdiisa isaga oo sheegay inuu kaliya is faham waa dhacay.
Sarri ayaa kulanka kaddib yidhi “Waxaan fahmay inay dhibaato jirtay oo aan u baahnayn bedel, Kaddib waxaan yaqiinsaday xaalada kaliya markii dhakhtarku uu iigu yimid keydka afar daqiiqo kaddib sidaa darteed waxa ay ahayd is faham waa weyn”