Kepa Arrizabalaga Oo Markii Ugu Horreysay Hadlay Tan Iyo Markii Ganaaxa La Dul Dhigay, Miyuu Qaladkii Uu Sameeyay Qaatay?

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Kep Arrizabalaga oo dhawaan fal dhaqan xumo ah ka sameeyay kulankii Final-ka League Cup ee ay la dheeleen Manchester City ayaa hadlay kaddib ganaax uu maanta kala kulmay kooxdiisa.
Goolhayaha ugu qaalisan dunida kubadda cagta ayaa ku gacan saydhay beddel lagu samaynayay markii loo sheegay inuu soo baxo dabayaaqadii kulanka taas oo inbadan cadho galisay macalin Maurizio Sarri.
Saddexda dhinac ee kala ah kooxda, Xiddiga iyo Tababaraha ayaa dhammaantood hoos u dhigay dhacdadan kulanka kaddib iyaga oo ka fogaaday wax faah-faahin ah isla markaana kaliya ku sifeeyay is faham la’aan.
Balse Chelsea ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay talaabo ka qaadayaan Kepa iyaga oo ku ganaaxay 190 kun oo ah mushaharkiisa hal toddobaad.
Haddaba, Kepa ayaa qirtay inuu sameeyay qalad isaga oo dhinaca kale xusay inuu raaligelin siiyay tababaraha kooxda, Caballero oo ahaa xiddigii lagu bedelayay, Kooxda iyo waliba jamaahiirta.
Arrizabalaga ayaa yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanaa inaan Final-kii ugu horreeyay u ciyaaro Chelsea shalay waxaanan sidoo kale aad ugu han weynahay qaab ciyaareedka kooxda”
“In badan ayaan ka fikiray dhacdooyinkii shalay, Inkastoo uu jiray is faham waa, Fal celinta, Waxaan sameeyay qalad aad u weyn  oo ah sida aan ula tacaalay xaalada”
“Waxaan doonayaa inaan maanta qaato wakhtiga si aan u raaligeliyo si guud iyo si gaar ahba tababaraha, Willy (Caballero), Xiddigaha aan koox wadaaga nahay & kooxda”
“Waan sameeyay sidan haatana waxaan doonayaa inaan raaligelin lamid ah siiyo taageerayasha, Waxbaan ka baran doonaa dhacdadan waanan aqbali doonaa ciqaab kasta ama anshax kasta oo kooxdu go’aansato inuu haboon yahay”