Khabiirka BBC Iyo Premier League Ee Alan Shearer Oo Soo Xushay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Kulamadii 27-Aad Ee Premier league


Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 27 aad ee horyaalka Premier league waxaana kulamadii todobaadkan ka mid ahaa kulankii ugu adkaa ee ay kooxaha Manchester United iyo Liverpool ku dhex maray Old Trafford kaas oo ay labada kooxood barbaro gool la’aan ku kala baxeen.
Khabiirka BBC isla markaana la shaqeeya Premier league ee Alan Shearer ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu fiicnayd kulamadii 27 aad ee Premier league waxaana shaxdan lagu soo daabacay barta rasmiga ah ee maamulka Premier League ku leeyahay twitterka.
Alan Shearer ayaa  goolka shaxda kooxdiisa ugu fiican Premier league waxa uu u soo xushay Leno oo bandhig fiican u soo sameeyay Arsenal kulankii ay guusha muhiimka ah ka gaadheen Southampton.
Alan Shearer ayaa difacaa dhexe u soo wada xushay Victor Lindelof oo bandhig wayn ka sameeyay kulankii kooxdiisa Man United barbaraha la gashay Liverpool waxaana Lindelof difaaca kula jira Tomkins oo Crystal Palace qaab ciyaareed cajiib ah u soo bandhigay.
Luka Shaw oo Mohamed Salah joojiyay iyo Yedlin oo Newcaslte United bandhig fiican u sameeyay ayaa kala buuxiyay difaacyada midig iyo badix.
Alan Shearer ayaa saddexda khadka dhexe ee shaxda kooxda todobaadka Premier league u soo wada xushay Scott McTominay oo kulankii Liverpool isku muujiyay waxaana kula jira xidiga kooxda Newcaslte United ee Longstaff iyada oo uu ka horeeyo Zaha oo bandhig cajiib ah u sameeyay Crystal Palace.
Ugu danbayn Alan Shearer oo ahninka haysta rekoodhka taariikhda gool dhalinta Premier league ayaa saddexda gool dhaliye ee shaxda kooxda todobaadka Premier league u soo xushay Deulofeu oo saddexley gool ah u soo dhaliyay Watford, isla xidiga ay isku kooxda Watford yihiin ee Deenay iyo Barnes oo Burley guul ku hogaamiyay kulankii Tottenham.
Halkan kaga bogo Shaxda kooxda Todobaadka Ee Premier league ugu fiican ee uu Alan Shearer soo xulay ee barta twitterka maamulka Premier league lagu daabacay:
Haddaba akhriste, miyaad Alan Shearer ku raacsan tahay in shaxdani tahay shaxdii ugu fiicnayd kulamadii Premier league ee la soo ciyaaray?