LA OGAADAY: Go’aanka Uu Santiago Solari Ka Gaadhay Dhaqan-Xumadii Gareth Bale & Haddii Uu Ciyaarsiin Doono Kulanka El-Classico Ee Habeen Dambe Oo La Ogaaday.

Markasta waxa jirta daganaansho ka dambaysa qas kasta waxaana midaas helay Gareth Bale oo kusoo laabtay xerada tababarka ee Real Madrid maalinimadii Isniintii isagoo aan wax dhib ah la kulmin marka laga yimaado anshax xumadii uu ka sameeyay kulankii ay guusha kasoo gaadheen Levante.
Kaddib in Gareth uu diiday in xiddigaha kale ee kooxdu ay la dabaal degaan kaddib goolkii uu dhaliyay ayuu wargeyska MARC soo ogaaday in xerada tababarku ay ahayd mid farxadeed iyadoo xataa kaftan uu meesha ka jiray.
Xaaladaas ayaa balanqaadaysa in waxkasta ay dagan yihiin haatan iyadoo ay kooxdu ku jirto isku diyaarinta mid kamid ah kulamada ugu muhiimsan xilli ciyaareedkanWaxa la ogaaday in Bale uu xataa kulankii Levante diiday inuu is kululeeyo kaddib markii uu arkay tababare Solari oo bedelka koowaad ee ciyaarta galay u doortay da’yarka Fede Valverde.
Bale ayaa Antonio Pintus oo kamid ah shaqaalaha Los Blancos u sheegay inuu tagayo kursiga keydka si uu biyo u doonto mudadii la doonayay inuu is diyaariyo balse uu kaliya iska fadhiistay waxaana shan daqiiqo kaddib inuu kulanka gelayo u sheegay tababare Solari.
Si kastaba, Dhacdadaas ayaa noqotay mid la iska iloobay sababtoo ah goolak uu dhaliyay iyo waliba inuu saddexda dhibcood ee kulanka u keenay kooxdiisa waxaana lagu soo warramayaa inaan wax ciqaab ah la marin doonin.
Ugu dambayn, Tababare Solari ayaa tix gelinaya isla markaana qiimayn ku samaynaya haddii uu Bale usoo xulan doono kulanka El-Classico ee habeen dambe waxaana macquul ah inuu kusoo bilawdo kaddib dhawr kulan oo uu keydka ku jiray.