LA OGAADAY: Ole Gunnar Solskjaer Oo Ciyaartoyda Kooxdiisa Man United U Sheegay In Liverpool Ayna Koobka Premier League Ku Guulaysan Karin.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa muujiyay cadaawada uu u hayo kooxdii uu hore ula soo xifiltamay ee Liverpool wuxuuna ciyaartoyda kooxdiisa United u sheegay in ayna Reds awood u yeelan doonin in ay ku guulaystaan koobka Premier league.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa intii lagu jiray diyaar garawgii kulankii Liverpool waxa uu ciyaartoyda kooxdiisa Manchester United u sheegay in aanu isagu filayn in Liverpool ay awood u yeelan karto in ay koobka Premier league ka hor qaado Manchester City.
Ilwareed Manchester United ah ayaa soo bandhigtay qaabkii uu Ole Gunnar Solskjaer ciyaartoyda kooxdiisa ugu sheegay in Reds ayna ku guulaysan karin koobka Premier league wuxuuna u sheegay sababaha keenaya in kooxda Klopp ayna koobka ku guulaysan doonin.
Ilwareedka Man United oo soo tabinaya hadalkii Ole Gunnar Solskjaer uu ciyaartoyda kooxdiisa Manchester United u sheegay ayaa yidhi: ” Ole aad ayuu ayuu ciyaartoydiisa ugu aflahaa waxa ku saabsan Liverpool, wuxuuna si cad u aaminsan yahay in ayna in kulan City ugu garaaci karin koobka”.
Ilwareedka oo sababta ugu wayn ee uu Ole Gunnar Solskjaer u aaminsan yahay in ayna Liverpool koobka ku guulaysan karin ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in ay aad u yihiin hal jiho oo kaliya, waxaa ka maqan hal abuur, waxa uu aaminsan yahay in kooxdiisu ay kaga fiican tahay”.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa awooday in Manchester United ayna guuldaradii labaad ee xili ciyaareedkani ka soo gaadhin Liverpool kadib markii ay kooxda Jurgen Klopp barbaro gool la’aan ah kala soo laabtay Old Trafford.
Ciyaartoyda, shaqaalaha tababarka iyo jamaahiirta Man United ayaan doonayn in Liverpool ay ku guulaysato koobka Premier league iyaga oo ka door bidaya in kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Man City ay iskaga ceshato koobka Premier league.
Liverpool ayaa hal dhibic ku haysa hogaanka Premier league waxayna caawa soo dhawaynaysaa kooxda Watford iyada oo 11 kulan hadhsan yihiin laakiin Reds ayaan koobka Premier league ku soo guulaysan tan iyo 1990kii waxayna hadda marayaan tijaabo adag si ay koobkan u hantaan.