Liverpool Anfield Ku Gumaaday Watford, Sadio Mane & Virgil Van Dijk Oo Min Laba Gool Dhaliyay Iyo Man City Oo Guul Cidhiidh Ah Ka Gaadhay West Ham United

Kooxaha koobka Premier league ku dagaalamaya ee Liverpool iyo Manchester City ayaa guulo muhiim ah gaadhay balse Reds ayaa dirtay fariin cusub kadib markii ay 5-0 Anfield ugu xasuuqeen kooxda Watford halka Man City ay guul cidhiidh ah ka heshay West Ham United oo marti u ahayd.

Kulanka Man City 1-0 West Ham

Kooxda West Ham United ayaa iska caabin xoogan kala hor timid Manchester City waxayna kooxda Manuel Pellegrini awooday in qaybtii hore ee kulankii Etihad Stadium aan wax goolal ah looga dhalin. Man City ayaa waqtigii nasashada ka war heshay in Liverpool ay laba gool hogaanka kaga haysay Watford taas oo Guardiola iyo kooxdiisa ku qasabtay in ay garoonka dagaal kula soo laabtaan.
Manchester City ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay iska lahaayeen boqolkiiba 78% boosishanka ciyaarta laakiin waxay haddana awoodi waayeen in ay West Ham United wax goolal ah ka dhaliyaan taas oo Guardiola iyo ciyaartoydiisa cadho badan ku abuurtay.
Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City wax badan isku dayday ayay awoodi wayday in ay shabaqa gaadheen waxayna qaybtii hore ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.
Daqiiqadii 59 aad ayuu Sergio Aguero dhaliyay goolka kaliya ee ay Man City guusha kaga gaadhay West Ham United kaas oo ahaa rekoodhe lagu abaal mariyay Bernardo Silva waxayna Man City heshay goolka ay waqtiga dheer soo raadinaysay.
Sergio Aguero ayaa jahada qaldan u diray goolhaye Fabianski wuxuuna dhaliyay goolka uu kula wareegay hogaanka gool dhalinta Premier league balse goolkan ayaa sabab u noqday in Man City ay saddexda dhibcood ka heshay West Ham United.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Manchester City guul cidhiidh ah ku gaadhay balse ay awooday in ay lumin cadaadiska ay Liverpool ku hayso.

Kulanka Liverpool 5-0 Watford:

Liverpool ayaa Anfield ku gumaadya kooxda Watford kadib markii ay 5-0 ku shubeen shabaqa kooxda martida ahayd waxaana min laba gool kulankan ka dhaliyay Sadio Mane iyo Virgil Van Dijk halka Origi uu goolka kale raacsaday waxayna Reds sii joogtaysay kaalinta kowaad ee Premier league.
Daqiiqadii 9 aad Liverpool ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee Anfield gilgilay kadib markii uu Sadio Mane halkiisa ka sii watay saamayntii iyo gool dhalintii cajiibka ahayd ee uu ku soo jiray wuxuuna goolkan furitaanka ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay difaaca midig ee Alexander-Arnold waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Reds hogaanka ciyaarta kula wareegtay.
Daqiiqadii 20 aad Alla Muxuu Gool ahaa! Sadio Mane ayaa gool cajiib ah oo uu cidhib ku dhaliyay waxa uu ku xadahay indhaha caalamka wuxuuna goolkan ku laba jibaaray farxadii uu jamaahiirta kooxdiisa ku siiyay goolkii furitaanka laakiin da’yarka Alexander-Arnold ayaa markiisa labeeyay caawinta uu Sadio Mane u sameeyay.
Mane ayaa Alexander-Arnold kubbad kaga helay goolka Watford hortiisa laakiin markii uu u muuqday in uu fursada qasaarinayo ee uu dhinaca kooxdiisa u  soo jeedsaday waxa uu si lama filaan ah kubbada ugu taabtay cidhib waliba sare u kacsan waxayna kubbadu soo salaantay shabaqa Watford markii labaad.
Daqiiqadii 37 aad Mohamed Salah oo u muuqday mid cadhadii Man United kula dhacayay Watford ayaa birta ku garaacay darbo goolka saddexaad loo fishay laakiin xidiga reer Masar ayuu nasiibkiisu xumaaday.
Watford ayaa mararka qaar fursado fiican abuuraysay laakiin difaaca Reds ayaa shaqo fiican qabtay halka sidoo kale Reds ay lumisay fursado ay qaybtii hore dhawr gool oo kale ku dhalin kartay waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Reds hogaanka ciyaarta ku haysay.
Daqiiqadii 63 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Sadio Mane ayaa ugu dhawaaday in uu dhamaystirto saddexleyda uu kulankan ka doonayay laakiin xidiga reer Senegal ayaa markan awoodi waayay in uu dhamaystiro fursad uu goolka saddexaad ku dhalin kari lahaa.
Daqiiqadii 66 aad Devock Orgi ayaa dhalyay goolka saddexaad ee ay Liverpool ugu sii quus goysay kooxda martida haayd ee Watford wuxuuna goolkan ku dhaliyay caawin uu ka helay Robertson iyada oo ciyaartu noqotay 3-0 ay Reds ku dubanayso Watford.
Daqiiqadii 69 aad Virgil Van Dijk ayaa dhaliyay goolka afraad ee kooxdiisa Liverpool laakiin waxaa saddexley gool caawin ah dhamaystirtay difaaca midig ee Alexander-Arnold kaas oo sameeyay bandhig laayableh si uu jamaahiirta kooxdiisa Reds u siiyo wixii ay waayeen markii uu dhaawaca kaga maqnaa waxayna ciyaartu noqotay 4-0 ay Reds ku xaasuuqyaso Watford.
Daqiiqadii 82 aad Virgil Van Dijk ayaa si layaableh u dhaliyay goolkiisa labaad iyada oo ayna waxba ka soo wareegin goolkii hore ee uu Anfield ku dhaliyay wuxuuna markale caawin ka helay difaaca bidix ee A. Robertson waxayna ciyaartu noqotay 5-0 ay Liverpool ku burburinayso Watford.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-0 ay Reds si naxariis daro ah ugu gumaaday kooxda Watford waxayna kooxda Jurgen Klopp sii adkaysatay hogaanka Premier league iyada oo waliba iska soo kala yaraysay farqigii goolasha ee ay Man City ka hoosaysay.