Liverpool ayaa jawaabtii ugu horeeysay ka bixisay warqrka suuqa hareeyay ee sheegaya in xiddigooda Mohamed Salah uu xagaaga dambe u wareegayo kooxda Juventus sida wargeyska Daily Express uu qoray .
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay saxaafadda qaarkood qorayeen in Juventus ay damacsan yihiin in Liverpool ula tagaan dalab gaaraya 50 milyan oo euro oo uu sii dheer yahay weeraryahankooda Dybala si dhankoodana Mohamed Salah u helaan.
Liverpool ayaa haatan hoosta ka xariiqday sida laga soo xigtay saraakiil kooxdas ah in marnaba aysan qorsheyneyn in ay iibiyaan laacibka ayna badaleen siyaasadda ah in kooxda marnaba iska iibiso xiddigaheeda muhiimka ah.
Juve ayaa u aragta Salah xiddig ku haboon ka garab ciyaaridda Ronaldo waxaana saxiixa laacibkaas hoosta ka raxiiya CR7 .Waxaa xusid mudan in Salah oo 26 sano jir ah uu Liverpool kula jiro hishiis gaaraya illaa iyo xagaaga 2023-ka waxaana muuqaneysa in ay adkaaneyso in si sahal ah uu ku baxo .
